”Hiil & hooba waan bixinaynaa” – Xisbiga ugu wayn dalka Pakistan oo wacad ku maray inay ka dagaallayaan Falastiin

0

(Peshawar) 15 Okt 2023 – Hoggaamiyaha xisbiga ugu wayn ee siyaasadda Pakistan, Jamiat Ulema-e-Islam (JUIF), ayaa ballanqaaday taageero dhaqaale oo ay siinayaan Xamaas, waxayna wacad ku mareen inay ku biiri doonaan kooxda Falastiniyiinta ee “jiida hore” dagaalka kula jirta Israa’iil intii lagu jirey isu soo bax ballaaran oo ka dhacay magaalada Peshawar Sabtigii, sida ay warbaahinta maxalliga ahi werisay.

“Haddii dalalka Islaamku ay noo ogolaadaan inaan sii marno, waxaan diyaar u nahay inaan ku biirno dagaalka ka socda jiidaha hore,” ayuu yiri madaxa JUIF, Maulana Fazlur Rehman, oo la hadlay dad isugu soo baxay shirkii maamuuska Mufti Mahmoud oo ahaa ninkii xisbigan aasaasay.

Waxaa kale uu shaaca ka qaaday in Xamaas ay codsatay kaalmo dhaqaale kaasoo uu sheegay in uu ballanqaaday in xisbigu uu bixin doono.

Ninkan ayaa intaa ku daray in Israa’iil ay ka gudubtay xadkii dulmiga, isaga oo ugu baaqay bulshada Muslimiinta ah ee dunida inay go’aan adag ka qaataan awooddan wax dirqinaysa ee dhulka la wareegaysa, sida uu yiri.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Xamaas Sabtigii lasoo dhaafay, ciidamada difaaca Israa’iil waxa ay ku howlanaayeen duqaymihii ugu xumaa ee Gaza soo mara taariikhda, taasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 2,000 iyagoo dhulka la simay xaafado dhan.

Maulana Fazl castigates govt over Atif Mian nomination fiasco

Hadalsame Media