Weriye Carbeed oo calool xumo warka la aqrin waayey kaddibna iska ooyey (Daawo)

0

(Qaahira) 14 Okt 2023 – Weriye ka tirsan hilinka Al-Ghad ee dalka Masar ayaa ooyin la dhacay kaddib markii uu xamili waayey silaca haysta shacabka ku dhaqan Gaza.

Weriyaha ayaa xilligii uu xaaladdan gelayey aqrinayey war ku saabsan carruur ku waxyeellowdey duullaanka cir iyo dhul ay ciidanka Israel uga qaadeen Marinka Gaza oo ah meel 16 sano cir iyo dhulba ka xiran.

Weriyahan Masriga ah ayaa xilligaa oo uu war aqrinta ku jirey is hayn kari waayey, isagoo ku qiirooday dhibaatada ay u bandhigan yihiin dadka reer Gaza oo nasiib darro dalalka go’doominaya ay Masar ka mid tahay, iyadoo ku qancinaysa Israel.

Si kastaba, tirada geerida dadka Gaza ayaa haatan maraysa 1,799 oo qofood, halka ay dhaawacmeen 7,388 tan iyo 7-dii Oktoobar.

Hadalsame Media