”Waxaa i xanuujinaysa…” – Abwaan lagu xusay madallo lagu faaqidayey buugga Nageeye oo arrintaa ka hadlay

0

(Hadalsame) 14 Okt 2023 – Dad badan ayaa igu xusay madallo badan oo lagu faaqidayo buugga Nageeye Cali Khaliif oo aan mardhawayd dulmar ku sameeyey. Halka dad badani ku maadsanayaan warkan caloolxumada leh, anigu waxaan aad uga murugaysanahay sida qof qaali ah oo sida Nageeye oo kale ugu hubaysan aqoon iyo fogaan-aragnimo fikirkiisu ugu janjeedhsan karo, dhanka kooxaha khatarta ku ah jiritaankeenna iyo Islaamnimadeena.

Arrinkaasi si gaar ah ayuu ii xanuujinayaa maadaama aan Nageeye aqoon dheer u leeyahay ilaa yaraantiisii oo aan xassuusto isagoo arday ah oo Balcaddii/Uniformkii dugsigiisa xidhan, kana fakaraya saamaynta uu arrinkaasi ku yeelan karo qoyskiisa curdinka ah.

Xaqiiqadu se waxay tahay in aanay Buugga ku qornayn meel uu ku caddaynayo in uu ku biiray halka loo badinayo. Halka qudha ee laga dhadhansan karana tahay, isbarbardhigga uu ku sameeyey labada fikir ee awoodda iyo gacan ku haynta dalka isku haya. Halkaas oo uu ugu xagliyay kuwa Xagjirka ah, kuna xusay haddii ay labadaas noqoto in uu iyaga raacayo. Taas macnaheedu maaha in uu hadda iyaga la joogo ama uu u goostay, waa se khatar weyn oo aan la dhayalsan karin haddii uu ku biiray, haddii uu ku talajirana waa mid laga hortagi karo oo inoo taal.

Dhanka kale Nageeye faallooyinka gabayadiisu ku curteen ayuu kaga sheekeynayaa Buugga. Wuxuu xusayaa dhacdooyin qaar uu goobjoog u ahaa iyo goobo uu booqday. Faallooyinkaas hordhaca u ah gabayadiisu ma aha kuwo uu hadda qoray ee waa qoraallo hore oo uu kaydiyay ilaa maalintuu gabay curinta bilaabay. Waxay kasoo dhaqaaqayayaan dhacdooyinkaasi Addis Ababa iyo ardeynimadiisii. Waxaa se laga dareemayaa isbeddellada maskaxeed ee muddadaas ku dhacay Nageeye. Marba marka ka dambaysa suugaantiisa iyo faallooyinkiisuba waxay usii xoogaysanayaan dhanka wax iska caabbinta.

Halka uu 80% ku kala wareegayo malahayga ee raadka weyn ku samaynaysa waa Dhiibistii Qalbi Dhagax. Macallinkiisii Jaamacadda Addis Ababa oo uu ku sheegey nin Soomaalida neceb, marka Qalbi Dhagax la dhiibayna ahaa Wasiirka Warfaafinta Ethiopia ayaa aad u beddeley, jeeejeeskii markii Qalbi Dhagax markii loo gacangaliyay ayaa sii fogaynaya.

Dhanka kale se suugaanta Nageeye, faallooyinkiisa, Buuggiisa iyo yoolkiisaba lagama dhadhansan karo xagjirnimo iyo astaamaha qofka ka tirsan lagu yaqaanno. Kuma arag Aayadaha ay u adeegsadaan ajendahooda, anaashiidda iyo saxwooyinka jihaadiga ah ee ay kasoo farcameen, kumana xusna hal magac oo kamida hoggaamiyeyaashii Carbeed/shisheeye ee ay ku daydaan. Sidoo kale ma beeninayo xuduudaha Soomaalida iyo astaamaheeda calan, af iyo dhaqanba leh. Umana guurin kuwa aan xadka lahayn ee madaxbanaannida Soomaalida iyo xornimodoonnimadeedii inkirsan.

Taa beddelkeeda waxaa ka buuxa rag Soomaali ah oo tusaale u ah isaga iyo soomaali badan, kuwaasoo halgameyaal, wadaniyiin iyo Abwaanno leh. Waxaa ku xusan taariikho Soomaalidu isla ogoshahay iyo suugaan muujinaysa halgankeedii. Halkaa markay joogto waxaa iisoo baxaya in aanu wali ka guurin afkaarihiisii isirnimada ku dhisnaa ee qowmiga ahaa, mana qabo in ay iswaafaqi karaan ama isla jaanqaadi karaan kuwa xagjirka ah. Arrinkaa Nageeyaha aan aqaannay kuma qanci karo, haddii lagu hodana kulama shaqeyn karo.

Waxa qudha ee iisoo baxay waxaa weeye, in Nageeye waayay cid ka baxsan labadan fikir ee mid xagjirka yahay, midna yahay kan Dowladnimada aan ku dhisannay. Dowladnimadeennu wuxuu aaminsanyahay in aanay shisheeye iyo reer Galbeedka ka madaxbannaanayn. Wuxuu u arkaa ujeeddada laga leeyahay in ay tahay in dalka loo gacangaliyo madax uu ku sheegey (Adeegayaal Afsoomaaliga ku hadla) oo ku shaqeeya awaamirta beesha caalamka loona yeedhiyo waxa la rabo.

Waxaa isku biirsaday saluugga qaabdhismeedka Dowladnimadeenna, iyo isagoo waayay cid fahamta waxa uu ka gabyayo oo ku baraarugta.

Dhibaatada kale ee muuqata ayaa ah in aanay jirin meel saddexaad oo aanu Nageeye oo kale kula kufi karo aragtidiisa. Waxaa iyaduna muuqata in aan qorshe laga lahayn jiheynta dhalinyarada Soomaaliyeed dhagahana laga xidhay, taasoo ay barbar socoto duufsasho iyo maskax qarameyn baahsan oo ay wadaan kooxaha Argagixisada ahi, waayo waxay taasi sahlaysaa in awoodda dhalinyarada lagala wareego Dowladda.

Waxay taladu ku dhantahay in la baadigoobo Nageeye, hadduu joogo la badbaadiyo. Haddii uu baxayna qudheeda la raadiyo lagana warsugo qudhiisii in aan la xukumin. Waxaa iyaduna mudan in dhug loo yeesho khatarta ay wajahayaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo in la yeesho qorshihii looga ilaalin lahaa afkaaraha khatarta ah ee duullaanka ku ah maskaxdooda iyo maankooda.

Buugga waxaa ku xusan faallooyin aan su’aal galinayo dhab ahaanshahooda, kuwaasoo aan u badinayo in la curiyay caddeynna leh. Waxaan u badinayaa in Nageeye saaranyahay doon aanu garanayn jihadeeda oo dhex dabaalanaysa Badweyn aan degenayn.

FG: Nageeye maalintii iigu dambaysay wuxuu igala hadlayay heesta Daltebyo ee aan cod ahaan mar idinkula wadaagay halkan. Waxaan kaloo isla soo qaadnay mid uu marwadiisa jecelyahay in uu u sameeyo. Waligey na kama dareemin kamana dhadhansan halka caawa dad badan ku tuhmayaan. Hayeeshee marnaba lama qariibsan karo, waxaan se doorbidayaa in arrinkaa laga gungaadho inta aan la is xukumin.

Mahadsanidiin.

W; Q: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media