(Hadalsame) 14 Okt 2023 – Masar, ayaa Jimcihii, ka digtey baaqa Israel ee ah in Falastiiniyiinta ku sugan woqooyiga Qaza ay ka baxaan guryahooda oo ay u guuraan dhanak koonfurta, sida ay ku warrantay Wakaalada Wararka Anadolu.
Tallaabadan ayaa ka dhigan “xadgudub aad u wayn oo lagu sameeyey qawaaniinta caalamiga ah ee bini’aadminnimada,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Masar.
Waxay sheegtay in tillaabadani “ay adkayn doonto nolosha in ka badan 1 milyan oo muwaadiniin Falastiiniyiin ah iyo qoysaskooda oo ay u bandhigi doonto khatarta ah inay ku dhacaan bannaanka iyagoo hoy la’aan ah.”
Wasaaraddu waxay ugu baaqday Israa’iil inay “iska ilaaliso inay qaaddo tillaabooyinkaas sii kicinaya xaaladda, maadaama ay saamayn wayn ku yeelan doonaan xaaladda bini’aadminnimo ee Marinka Gaza”.
Masar ayaa sidoo kale ugu baaqday Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah inay soo farageliyaan arrintan si looga hortago xiisad dheeraad ah oo keeni doonta “cawaaqib lama arkaan ah” oo ka dhaca Marinka Gaza.
Mar sii horreeysey, Israa’iil waxay ugu baaqday in ka badan 1 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool woqooyiga Qaza inay 24 saac gudahood ugu guuraan dhinaca koonfurta, iyadoo halkaa ka wadda duqaymo aan aaba-yeel lahayn.
Hadalsame Media