Sucuudiga oo gebi ahaanba hakiyey qorshe heshiis looga dhex waday iyaga & Israel + Qorshihiisa

0

(Riyaad) 14 Okt 2023 – Sacuudi Carabiya ayaa hakisay qorshayaashii ahaa inay xiriir rasmi ah la yeelati Israa’iil kaddib dagaalka u dhexeeya kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo IDF, Reuters ayaa sidaa sheegtay Jimcihii.

Qorshahan oo uu Maraykanku taageerayo, wuxuu u noqon lahaa tillaabo diblamaasiyadeed oo ay Washington guul u arki lahayd iyo dharbaaxo istiraatijiyadeed oo ku wajahan Iran.

Kahor weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ay Sabtigii hore ku qaadeen Israa’iil, Sucuudiga iyo Israa’iil waxa ay kusii dhawaanayeen heshiis ay boqortooyada Sunniga ahi ku aqoonsan lahaayeen dowladda Yahuudda, iyadoo Sucuudigu uu bedelkeeda heshiis difaac ah la gelayo Maraykanka sida helitaanka hub hor leh oo Maraykan-samee ah oo casri ah sida nukliyeer silmi ah, inkastoo Aqalka Cadi uu ku nuuxnuuxsaday in shuruudaha saxda ah aan weli laga shaqayn.

Iyada oo diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqaymo joogto ah ku hayaan Gaza tan iyo Sabtidii, isla markaana la sheegay in duullaan lagu hayo dhulka Falastiiniyiinta, ayaa masuuliyiinta Sucuudigu hakiyeen heshiiska si ay uga fogaadaan in ay kiciyaan mowjado cadho ah oo ka taagan dunida Muslimka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa laba ilo oo ku dhow Riyadh.

Ilaha ayaa carrabka ku adkeeyey in heshiiska socda aan si buuxda loo tuurin, laakiin in Riyaad ay u badan tahay inay u baahan doonto in heshiis kasta oo mustaqbalka ah lagusoo daro tanaasulaad muhiim ah oo loo sameeyo Falastiiniyiinta kaasoo laga doonayo dhinaca Israel.

Sucuudiga ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu taageeri doono qaddiyadda reer Falastiin.

Saudi Arabia expresses ‘unwavering’ support for Palestine

Hadalsame Media