(Hadalsame) 14 Okt 2023 – Ku lug lahaanshaha Sandro Tonali iyo Nicolò Zaniolo ee fadeexada sharadka ayaa runtii ruxday misna kedo ku noqotay dunida ciyaaraha Talyaaniga, waxaana kasii horreeyey Nicolò Fagioli oo ka tirsan Juventus.
Tonali oo ay AC Milan xagaagii kaga iibisay kooxda Newcastle aduun dhan €70 milyan oo Yuuro, ayaa booliisku dorraad ugu tageen xerada tababarka Coverciano si ay su’aalo waydiiyeen isaga iyo Zaniolo.
Wax yar kaddibna, Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in ciyaartooydani ay ka baxeen xerada tababarka xulka Talyaaniga oo caawa la ballansan Malta.
Baaritaanka socda ayaa lagu ogaan doonaa ku lug lahaanshahooda iyo cawaaqibka ka dhalan doona, laakiin daabacaaddii shalay ee Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in qofkii aan la shaqayn hay’adaha sharci-oogistu ay wajihi doonaan ganaax seddex sano ah.
Haddaba, maxay tani uga dhigan tahay Milan? Sida laga soo xigtey Felice Raimondo, haddii maamulka AC Milan aysan sii ogayn sharadkan oo aysan daboolin, inta ugu badan ee ay heli karaan waa ganaax yar uun, maadaama uu laacibku iyaga u dheelayey.
Taageerayaasha Rossoneri way is dejin karaan, sidaas darteed, waxaase la arki doonaa natiijada baaritaanka.
Zaniolo isaga kiiskiisu waa adag yahay maadaama uu ku sharatamay kulan Coppa Italia ah oo ay dheelaysey isla kooxdii uu ka tirsanaa ee Roma, waloow uu haatan u safto Galatasaray.
Hadalsame Media