(Washington, DC) 14 Okt 2023 – Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa kula talisay diblamaasiyiinta dalkaasi inay ka fogaadaan baaqa “in xaaladda la dejiyo” ama “xabad joojinta” Gaza iyadoo ay sii socdaan dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, sidawarbaahin badani ay werisay.
Saraakiisha Maraykanka ayaa cod dheer ku sheegay inay taageersan yihiin wax ay ku sheegeen ”xaqa” ay dowladda Yahuuddu u leedahay inay “is-difaacdo” wixii ka dambeeyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee ay Xamaas ku kedisey todobaadkii hore.
Iimayl lagula hadlay koox yar oo mas’uuliyiin ah, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa waxay sheegtay in xogaha la siinayo saxaafadda Maraykanka ay tahay inaan lagu darin weeraha ay ka mid yihiin “soo celinta xasilloonida,” “dhamaadka rabshadaha / dhiig daata,” ama “dejinta xaaladda / xabbad joojinta,” siduu sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan maamulku u sheegay NBC News iyo xarumo warbaahineed oo kale.
The Huffington Post, oo heshay nuqul ka mid ah iimaylka, ayaa ugu yeertay arrintan “calaamad yaab leh” iyo ishaaro muujinaysa in Aqalka Cad “diiddan yahay inuu ku riixo Israel inay is xakamayso.”
Email-kan ayaa lasoo diray iyadoo ay duqaymo cusub oo dhanka cirka ahi ay ka dhacayaan Qaza taaso jawaab u ah weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee Sabtigii lasoo dhaafay.
Hadalsame Media