Imaamka Masjidka Aqsaa oo lagu baaqay in la khaarajiyo & Qayladhaan uu diray (Dadka kale ee la far muuqay)

0

(Hadalsame) 14 Okt 2023 – Sheikh Ekrima Sabri, oo ah imaamka Masjidka Al-Aqsa ee Quddus, ayaa ka mid ah daraasiin Falastiiniyiin ah oo magacyadooda iyo goobahooda lagusoo bandhigay kannaalka Telegram-ka ee kooxaha midigta-fog ee Israel kuwaasoo ku baaqaya in la khaarajiyo, Middle East Eye ayaa ogaatey.

Kannaalkan, oo lagu magacaabo Nazi Hunters 2023, wuxuu tilmaamaa dadka la beegsanayo – oo inta badan ay wehliyaan sawirro wejigooda loo ekaysiinayo Hitler – “Naasiyiinta weli si xor ah u socda oo aan la tirtirin” ayaana ku dul dhigan.

Khaled Zabarqa, oo ah madaxa kooxda qarreenada Sabri, ayaa MEE u sheegay in Sabri uu ka warqabay hanjabaadda isaga ka dhanka ah, taasoo uu sheegay inay hurinayaan “kooxaha Yuhuuda ee xagjirka ah, oo ay taageerayaan canaasiir ka tirsan xukuumadda Israel”.

”Sabri waxa uu la xiriiray Boqortooyada Urdun, oo ku magacaaban ilaaliyaha goobaha barakaysan ee Quddus, iyo qunsuliyadaha Carbeed ee Qudds si uu uga warbixiyo darnaanta xaaladdan,” ayuu yiri Zabarqa.

“Cadaawaddani waa mid daah-furan misna khatar ah, muddo sannad ku dhow Sheekh Ekrima waxa uu la kulmayey daandaansi joogto ah, iyadoo kooxahan xagjirka ah ee Yahuuddu ay si toos ah ugu baaqayeen dilkiisa.” ayuu raaciyey.

Kaligii ma ahane, dad kale oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu xusay kannaalkan Telegram waxaana ka mid ah hoggaamiyeyaasha diinta, dadka siyaasadda ku jira, saxafiyiinta, saraakiisha dadwaynaha, iyo ardayda u dhaqdhaqaaqa xorriyadda, iyo sidoo kale xubno lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Xamaas iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta.

Hadalsame Media