(Muqdisho) 14 Okt 2023 – Waxaa haatan soo baxday in sirdoonka DF Somalia uu ka seexday ama dayacay waajibkii ka saarnaa inuu la socdo waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dad siyaabo kala duwan dalka uga wada howlo lid ku ah ammaanka dadwaynaha, sida ka muuqata 6-da arrimood ee soo socda:
[1] Qaraxii Jallaato Devino ee lagu dilay wiilashii saaxiibadeen ahaa ayna ka bad-baadeen 10 kale oo isla asxaabta ah waxaa ka shaqeeyey rag kale oo hadda magaalada Muqdisho nala jooga, ayaga ayaana meesha ku ballamiyey intooda badan siyaabo kala duwan.
[2] Waxaa jira dhallinyaro iska dhiga iney 7 sano ee ugu dambeysay Xamar yimaadeen, waxeyna magaalada ku joogaan keliya dadka ay ka barteen Facebook, ma shaqeeyaan, aragtidoodu ma cadda, markastana waa safar.
[3] Dadka Shabaabka ah ee ummadda ku dhex dhuuntay ma ahan kuwa hadda kadib barasho kaaga baahan ee waa taqaan in kugu filan, mana ahan keliya kuwa ka yimid gobollada ee waa macallimiin, siyaasi iyo wariye isku sheeg aad taqaanno.
[4] Dagaalku waa 12 tab mid ayaana feer ah, dowladdu waxay aaday keliya kii feerka, waxayna agmartay qeybtii dagaalka ee caqliga iyo farsamada ubaahneed, ilaa haddana ma muuqato sida loo maareyn doono Shabaabka shaatiga cad.
[5] Kacdoonka dhismaha Apartments ka ee Xamar ka billowday waxaa ku jira qaar badan oo Shabaab leeyahay, sidoo kale waxaa jira iskuullo, Jaamacado, isbitaallo iyo shirkado Shabaab leeyahay oo Muqdisho ka shaqeeya.
[6] Waxaa jira dad badan oo taagersan Shabaab (sympathisers) marka Qaraxa laga reebo waxeyna kuwaas ku dhexjiraan Shirkadaha; dowladda, Safaaradaha, NGO yada iyo meelkasta oo bulshada muhiim u ah.
W; Q: Max’ed Royal
Hadalsame Media