Waayo qofka uu Nageeye ula jeedo ”Godanaha Villa Somalia?” Hal arrin oo uusan AS kula heshiin doonin & Xog aysan dadku ka ogayn

0

(Hadalsame) 13 Okt 2023 – Nageeye, inkasta oo aysan nagu badanayn is dhexgalku iyo wadasheekaysigu, haddana marar kale duwan ayaan doodo, iyo shaah ku kullannay.

Nageeye Shakhsiyad noocee ah ayuu leeyahay?

Nageeye waa nin aad isula weyn, waliba isla wayndiisa la gaarsiin karo cudurka qulubka isla-weyne maskaxeedka ee loo yaqaanno “ Narcissism disorder”. Nageeye Hadduu kaa dareemo waxyar in aad fikirkiisa naqdinayso,ama aad ka ray’i duwantahay adiga oo arkaya ayuu wajigiisu madow isku beddeli. Si guudna ma jeclayn in dadka ka rayi’ duwan uu la falgalo.

Nageeye Al Shabaab ma fikir ahaan ayuu u galay misa siyaasad ahaan?

Wallow Nageeye uu ku jiro dareen “ waddaniyada” qiira Jabbaanka loo yaqaanno, Haddana ma ahayn nin fikirka xagjirnimada diinta ka timaadda ay ka muuqato ficilladiisa iyo markaad la sheekastaba.

Alshabab matoorka weyn ee wada, waa matoor diineed, gaar ah kan xaqjirka ee “ Wahaabiyada Sucuudiga laga keenay”. Fikirka waxaa si dhab ah u aamminsanaa raggii Alshabaab aasaasay ee Ahmed Cabdi-godone, Ahmed Madoobaha hadda Jubbland haysta, Ibraahim Afkaani, Xasan Daahir awayska xiran, wasiirka diinta ee hadda Abuumansuur, Aadan Ceyrow, iyo rag lamid ah.

Nageeye asaga Fikir diimeed ma ah midka ugu weyn ee riixay ee waxaa isku biirsaday seddex arrimood:

1. Hungri Madaxnimo. Haddii aad xasuusataan boqor Buurmadow markuu Muqdishu yimid wuxuu sheegay in hoggaanka dalka la kala qaybsaday ayagana uu “ Alshabaab” qayb ahaan ugu soo aaday. Xasuus qorka Nageeye ee la wareejinayo, wuxuu leeyahay “nin sare oo Villada jooga ayaa igu yari Ninkan waa Ahmed Abdi Godane”. Ninkaas waa Fahad Yasiin oo ay kulmi jireen Nageeye. Nageeye naftiisa ayaana ii sheegay in ay Fahad kulmeen.

Kulanka Fahad iyo Nageeye wax u gaar ah Fahad ma ah ee Madaxda Soomaalida iyo kuwa Kenya Nageeye waa la sheekaysan jiray, waana la kulmi jiray, maadaama uu ahaa curiye hibo leh oo la yaqaanno. Marka, arrintan ma ah mid aan Fahad si gaar ah ugu durayo ama aan ku ceebaynayo. Haddaba, aan kuu soo koobee, Nageeye in uu Ahmed Abdi Godane khaliifo hammi ah ayaa riixaya.

2. Shaqsiyadda Nageeye: Maadama Nageeye aamminsanyahay in uu yahay “ nin raggeed” habeenkasta gees cusub u soo baxo, waxaa ka dhaadhacsan in uu wax weyn ka qaban karo, sida Sayidkii iyo Ahmed Guraynna maalin taallo loo dhisi doono.

3. Waddinayadda qiira jabbaanta iyo saameynta Sayidka. Nageeye waxaa saameyn ku leh sheekooyinka Siyad Mohammed Abdilla Xasan iyo SYL. Marka,arrimaha riixay ayay ku jiraan.

Nageeye Al Shabaab maxuu u qaban kara?

Nageeye wuxuu leeyahay hibo curis gabay oo xoog badan. Haddaba, gabayadiisa waxaa isticmaali doona qaybaha warbaahinta ururka. Sidoo kale, waxaa isticmaali doona madaxda ururka si ay ugu qurxiyaan khudbooyinkooda ay dadka ku soo jiitaan.

Sidoo kale, wuxuu abuuray Khalkhal bulsho oo ah in ay dadku kala sii aammin baxaan. Taasna waa mid kamid arrimaha ay jecelyihiin Alshabab.

Dhinca kale, xogo badan iyo dad badan oo u yaqaanno way ka fay’aysanyaan.

Al Shabaab ma ku dhex noolaan karaa Nageeye?

Inta aan ka fahansanahay way ku adkaan. Maxaa yeelay, matoor diimeedna oo xagjir ahna ma saarno, nin samir badana ma ah. Marka uu bisha arooska ka baxo waa cusub ayaa u baryi doona.

May be an image of text

W; Q: AXmed Cabdihaaddi

Hadalsame Media