(Zürich) 13 Okt 2023 – Ciidamada Amaanka Garoonka diyaaradaha ee Zürich ayaa gacanta ku dhigay Jaad gaaraya 42 kiilo.
Jaadka oo loo sii waday Dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Frankfurt waxaa waday oo safrinayey nin Soomaaliyeed oo da’diisa lagu sheegay 53 sano jir.
Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in Khaadkan markaa lasoo marsiiyey oo laga keenay waddanka Koonfurta Afrika.
Waa markii 3-aad ee bishaan gudaheeda Jaad lagu qabto Garoonka diyaaradaha Zürich.
W; D: Cabdiqani Dalmar
Hadalsame Media