(Florence) 12 Okt 2023 – Sida laga soo xigtey war uu sheegay Alessandro Antinelli , oo ah saxafi uu diray RaiSport si uu uga soo warramo xerada tababarka xulka qaranka Talyaaniga ee Coverciano, waxaa soo kordhay war culus.
Waxaa uu ku soo warramaya in “Sandro Tonali iyo Niccolò Zaniolo ay ku laabanayaan guryahoodii”.
Labadaba waxa waraystay, iyaga oo ay wehliyaan madaxa weftiga qaranka ee Buffon, booliisku si wax looga waydiiyo arrimaha sharadka ciyaareed ee loo haysto.
Arrintan ruxaysa ciyaaraha Talyaaniga ayaa horay ugusoo baxday laacibiin ka tirsan kooxda Juventus sida Pogba iyo Faggioli.
Hadalsame Media