”Qof kasta oo Muslim ihi wuu dareemayaa xanuunka Falastiin” – MW Ruushka oo farta ku fiiqay xalka

0

(Mowscow) 12 Okt 2023 – Dhibaatada haysata dadka reer Falastiin ma aha mid la iska indho tiri karo, sida uu sheegay Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin oo ka hadlaey madasha toddobaadka tamarta ee Ruushka Arbacadii shalay, maalin kaddib markii uu wadahadal la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ee Mohammed Shia’ Al Sudani.

Muslimiinta ku nool Bariga Dhexe iyo meelo kale waxay u arkaan waxa Falastiiniyiintu ay marayaan sannado badan inay tahay caddaalad-darro wayn oo “kasii dartay misna aan la rumaysan karin”, sida uu yiri.

Madaxwaynaha Ruushku waxa uu sheegay oo kale inay ahayd in dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin laga dhinac dhiso dowladda Israa’iil sannadkii 1948-kii balse weligeed may dhicin.

“Dhibaatada Falastiin waxay ku jirtaa qalbiga qof kasta oo ku nool [Bariga Dhexe] iyo qof kasta oo ku dhaqma diinta Islaamka,” ayuu Putin u sheegay madasha.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli ay xiisadi ka taagan tahay Marinka Qaza. Iska horimaadka cusub ayaa qarxay kaddib markii kooxda Xamaas ee fadhigeedu yahay Gaza ay weerar ballaaran ku qaadday Israa’iil, halkaas oo ay ku dishey in ka badan 1,000 qof oo u badan rayid.

Israel oo qaadday weerar aargudasho ah ayaa iyana ilaa muddadaas duqayn arxan daran ku haysa Gaza oo ay ku laysay dad rayid ah.

Hadalsame Media