(Washington, DC) 12 Okt 2023 – Saddex maalmood kahor weerarka ballaaran ee ay Xamaas ku qaaday Israa’iil, mas’uuliyiinta Masar ayaa uga digey dhiggooda Tel Aviv in howlgal kusoo wajahan yahay, sida uu Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Maraykanka, Michael McCaul, Arbacadii u sheegay suxufiyiinta.
“Waan ognahay in Masar ay uga digtey Israa’iiliyiinta saddex maalmood kahor in dhacdadan oo kale ay dhici karto,” ayuu yiri McCaul kaddib xog-siin sirdoon oo albaabadu u xirnaayeen oo ka dhacay Aqalka Baarlamanka Capitol Hill.
“Ma doonayo inaan wax badan sii galo arrintan sirdoonka, laakiin digniin ayaa la bixiyey,” ayuu McCaul warka kusii watay. “Waxaan filayaa in su’aashu ay ahayd ilaa heerkee.”
Wakaaladda Wararka ee AP ayaa Isniintii sheegtay in saraakiisha Israa’iil ay iska dhega tireen digniino soo noqnoqday oo ay siisay Qaahira oo ahaa in Xamaas ay qorshaynayso “wax wayn”.
Iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan sirdoonka Masar, Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegtay in dowladda Israa’iil ay dareensanayd in weerar aysan u badnayn inuu kaga yimaado Gaza, balse ay u badan tahay inuu ka yimaado dhanka Daanta Galbeed, maadaama ay rabshaduhu ka jireen dhanka Quddus, taasoo keentay inay halkaa diiradda saarto.
Hadalsame Media