Golaha Ammaanka oo sheegay inuu baarayo waxyeellooyinkii rayidka loogu gaystey Laascaanood (DF oo ay hal arrin..)

0

(New York) 12 Okt 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa qaadaya tallaabo adag kaddib warbixin ay soo gudbiyeen guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya, taasoo ujeeddadeedu tahay in wax laga qabto colaadda iyo dhibaatooyinka bini’aadminnimo ee dalka ka jira, gaar ahaan magaalada ay colaaddu ka taagan tahay ee Laascaanood.

Warbixinta oo waafaqsan farqadda 47 (c) (i) ee qaraarka 2662 (2022), ayaa ku kaliftay Guddiga Golaha Ammaanka inay qaadaan tallaabooyin daba-gal ah ee ku aaddan talooyinka guddiga, taasoo lagu beegsanayo Al-Shabaab iyo shakhsiyaadka mas’uulka ka ah ku xad-gudubka sharciga caalamiga ah, sida lagu qoray warbixinta.

Sida lagu sheegay bayaanka, xadgudubyadan waxaa ka mid ah weerarro lala beegsaday dad rayid ah, gaar ahaan carruurta iyo haweenka, iyo is-hortaagga gargaarka bini’aadminnimo – falalkan oo lagu cambaareeyey war-saxaafadeedkii Golaha ee Juun 7, 2023 (SC/15313).

“Dadka ku lugta leh dilalka, naafaynta, xadgudubyada jinsiga ku salaysan, weerarrada dugsiyada iyo isbitaallada, iyo barakicinta khasabka ahi waxay wajihi karaan magacaabista Guddiga sida ku cad qaraarka 1844 (2008) iyo kuwii xigey,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Iyagoo la kaashanaya Hay’adaha Samafalka, Guddigu waxay ugu baaqeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay xaqiijiyaan gaarsiinta gargaarka bini’aadminnimo, islamarkaana loo ogolaado inay Laascaanood tagaan kooxaha kahortagga walxaha qarxa iyo miino-saarka, sida Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Miino baarista iyo hay’adaha kale ee ay khusayso.

Dagaalka Laascaanood ayaa ka bilowday khaarajintii Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi), oo ka tirsanaa Xisbiga Waddani 26-kii Diseembar, waxaana deeto ka dhashay dibedbax rasaasayn kala kulmay ciidamada ammaanka Somaliland oo bishii hore laga saaray aaggaasi, kaddib dagaal soconayey 8 bilood.

Hadalsame Media