Erdogan oo ka digey waxa ay samayn doonaan maraakiibta uu Maraykanku soo diray

0

(Hadalsame) 12 Okt 2023 – Maraykanka ayaa bariga dhexe u diray markabka dunida ugu weyn ee dayaaradaha xambaara ee la yiraahdo USS Gerald Ford.

Waxaa lagu wadaa inay dhawaan gaaraan badda Mediterranean-ka ee Dhererkiisu waa 333 mitir, joogiisana waa 76 mitir. Wuxuu ku fadhiyaa 12.8 bilyan oo Doollar.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay sameeyaan markabkaas iyo maraakiibta la socota. Waxaa markabka saaran 5,000 oo askari oo ciidanka badda ah.

Yeelkeede, Madaxwaynaha Turkiga ee Tayyib Erdogan ayaa Talaadadii shalay Maraykanka ku dhaleeceeyey inay markabkan oo ay wehlinayaan koox kale oo maraakiib dagaal ay Israel ugusoo direen si ay xasuuq ba’an uga geystaan Gaza.

Kaddib weerarkii lama filaanka ahaa ee dagaalyahannada Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil Sabtigii, Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa Axaddii sheegay in Maraykanku uu halkaa u diri doono koox maraakiib ah, oo uu ku jiro USS Gerald R. Ford, oo ay gaynayaan meel u dhow Israa’iil.

“Maxay maraakiibtan Maraykanku u imaanayaan, maxay samayn doonaan doomaha ku hareeraysan iyo diyaaradaha dul saarani? Waxay duqayan doonaan Gaza iyo hareeraheeda, waxayna qaadi doonaan tallaabooyin ay ku xasuuqayaan dadkaas.” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu magaalada Ankara kula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Austria ee Karl Nehammer.

Hadalsame Media