Dad aad u badan oo Maraykan ah oo ku dhintay weerarka Xamaas & qaar la la’yahay

0

(Tel Aviv) 12 Okt 2023 – Ugu yaraan 22 muwaadin oo Maraykan ah ayaa lagu diley dagaalka socda ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, halka 17 kalena aan la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida ay Arbacadii warbaahinta u sheegtay Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad ee Karine Jean-Pierre.

Tirakoobkii ugu dambeeyey ayaa muujinaya koror laga soo bilaabo Talaadadii, markii Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden uu ku dhawaaqay in 14 Maraykan ahi ay ku naf-waayeen dagaalladii maalmihii hore.

Ma caddaweli in dhammaan dadka la diley ay ku dhinteen dhulka ay haysato Israa’iil iyo in ay ku dhinteen gudaha dhulka Falastiin.

Hadalkiisa Talaadadii, Biden waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in tiro aan la garanayn oo Maraykan ahi ay dagaalyahannada Xamaas u qabteen la-hayste ahaan.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee John Kirby ayaa markii dambe CNN u sheegay in Aqalka Cadi uu “wadahadallo firfircoon” la leeyahay Israa’iil si ay isugu dayaan sii daynta maxaabiistan.

Karine Jean-Pierre ma sheegin in 17-ka maqani ay weli ku jiraan gacanta Xamaas iyo inay dhinteen iyo in kale.

Hadalsame Media