UK oo ka fikiraysa inay xirto qofkii lagu arko isagoo walfinaya calanka Falastiin + Sababta

0

(London) 11 Okt 2023 – Booliiska England iyo Wales waa inay ula dhaqmaan calanka Falastiin, heesaha iyo calaamadaha kale oo lagu soo bandhigayo xaaladaha qaarkood sida hadal nacayb ah, ayuu Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Suella Braverman ku sheegay warqad tilmaan ah oo la diray Talaadadii.

“Ma ahan oo kaliya calaamadaha cad ee taageerada Hamas iyo heesaha kuwa walaaca keenaya,” ayuu Braverman ku qoray warqadda. “Waxaan ku dhiirrigelin lahaa booliiska inay tixgeliyaan haddii heesan ay ka mid yihiin:

‘Laga soo bilaabo webiga ilaa badda, Falastiin waxay noqon doontaa xor’ waa in loo fahmo inay tahay muujinta rabitaan cunfi ah oo ah in Israa’iil laga tirtiro adduunka, iyo haddii loo isticmaali karo xaaladaha qaarkood inay noqoto mid isir ahaan wax dhibaysa sida uu qabo qodobka 5aad ee dembiga nidaamka dadwaynaha.” ayuu yiri.

“Ujeedka guud waa muhim. Dabeecadaha sharciga ah xaaladaha qaarkood, tusaale ahaan ruxitaanka calanka Falastiin, ma noqon karo kuwo sharci ah sida marka la doonayo in lagu ammaano falalka argagixisada.” ayuu Braverman ka digey.

Hadalsame Media