Sida fudud ee ay Xamaas hubka u samaysato iyo waxa laga sameeyo

0

(Gaza) 11 Okt 2023 – Weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil Sabtidii waxay wararku sheegayaan in ay u adeegsatay in ka badan 4000 oo gantaal, kuwaasoo qaarkood ay gudaha shishe u galeen Israa’iil, ayadoo sax ahaanshaha liishaankoodana uu aad uga sarreeyey sidii hore.

Tan iyo markii la aasaasay ururkaas 1987, garabkooda milateriga ee ay shaqadiisu aad u sir badan tahay wuxuu ka soo gudbay marxaladda maliishiyada, wuxuuna u shaqeeyaa sidii “milateri habaysan”.

Xiisadda Falastiin iyo Israa’iil u dhaxaysa intaa way sii kordhaysay, Xamaasna waxay soo saartay gantaallada Qassam. Waa gantaallo gacan ku samays ah, waxaana u ah shidaal Sokor la fariisiyey. Badankood muddo yar ayey hawada ku jiri jiri jireen, qiyaastii wax aan ka badnayn dhowr mayl, mararka qaarna Qasa gudaheeda ayey ku dhici jireen, khasaare bandanna ma geysan jirin.

Markii Israa’iil ay ka baxday Qasa 2005, Xamaas waxay rakibteen warshad qarsoodi ah oo ay ka heleen saaxiibadooda Iran iyo Suuriya, sida uu sheegayo milateriga Israa’iil.

Qalabka laga sameeyo gantaallada, waxyaabaha qarxa, biro iyo mishiinno ayaa soo gaaray Qasa, ayagoo badankood ka soo galay xudduudda Masar. Khubaradu waxay sheegayaan in la soo marsiiyey godad dhulka hoostiisa ku yaalla oo hoos mara gacan biyoodka Siinaay, qodanna ilaa Qasa laga yimaado.

Gantaalka Qassam

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

2007 markii dagaalyahannada Xamaas ay maamulka Falastiiniyiinta ka saareen Qasa ayaa Israa’iil iyo Masar waxay ku soo rogeen xayiraad aad u adag, waxaana la burburiyey godad badan.

Khubaradu waxay sheegayaan in Falastiiniyiintu iminka leeyihiin aqoon iyo farsamo ku filan.

“Maanta gantaallada aan aragno badankood waa kuwo gudaha lagu sameeyey, oo farsamo hal abuurnimo lehna loo adeegsaday” ayuu yiri Fabian Hinz oo ah khabiir daraaseeya gantaallada bariga dhexe.

Dukumentari ay sii deysay Al Jazeera ayaa waxaa ka muuqday Xamaas oo isku xirxiraysa gantaallo ridadoodu gaarayso ilaa 50 mayl, kuwaasoo sida waxyaabaha qarxa oo culayskoodu gaarayo 174 kiilo.

Si gantaal loo sameeyo, farsamo yaqaannada kiimikada ee Xamaas waxay shidaalka gantaallada ku daraan dawooyinka bacrinta, kiimikooyin, iyo waxyaabo kale. Waxay kaloo isticmaalaan tubooyinka (qasabadaha) biyaha. Weli waxaa la aaminsan yahay inay jiraan godad dhulka hoostiisa ah oo ay isticmaalaan Xamaas.

Milateriga Israa’iil waxay qiyaasayaan in dagaalka iminka socda intii uusan bilaaban ay Xamaas haysatay ilaa 7000 oo gantaal oo riddadoodu kala duwan tahay, isla markaana gaari kara Isra’iil oo dhan. Waxaa kaloo loo malaynayaa inay haystaan ilaa 300 gantaal oo ah kuwa taangiyada iyo 100 kuwa dayaaradaha ah.

Ilaa tobanaan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah iyo 30,000 oo askari oo ay ku jiraan 400 ciidanka badda ah ayaa la rumaysan yahay in Xamaas ay leedahay.

Sawariikhda Xamaas

XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEDIA

Dagaalka iminka socda ayey Xamaas ku soo bandhigtay hub cusub oo ay ku jiraan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gujisyada aysan cidna wadin iyo gantaallo aysan cidna hagin oo la yiraahdo Ayyash, kuwaasoo gaaraya fogaan dhan 155 mayl. Israa’iil waxay sheegtay in dhamaan hubkaas cusub laga hor tegey ama aysan wax weyn gaysan.

Waxay intaa ku dareen in hawlgalka hadda socda uu dharbaaxo weyn gaarsiiyey baaritaannada hubka ee Xamaas, meelaha lagu kaydiyo iyo meelaha lagu sameeyo. Laakinse saraakiisha Israa’iil way ogsoon yihiin in ay joojin waayeen gantaallo aad u fara badan oo mar qura oodda looga soo qaaday.

“Xamaas ujeedadoodu ma aha inay burburiyaan miilateriga Israa’iil, laakin aakhirka gantaaluhu waxay noqon karaan awood muujin” ayuu yiri Fabian Hinz. “Waa arrin maskixiyan loo adeegsanayo” ayuu sii raaciyey.

Hase yeeshee tiro badan oo gantaalladaas ah waxaa qabta hanaanka difaaca gantaallada ee loo yaqaanno Iron Dome.

BBC

Hadalsame Media