(Tel Aviv) 11 Okt 2023 – Israa’iil waa inay u isticmaashaa gantaalaha Jericho si ay “dhulka ula sinto” Gaza weliba si “aan naxariis lahayn” kaddib weerarradii toddobaadkan ee Hamas, sida uu qabo xildhibaan Revital Gotliv. Gotliv waa xubin ka tirsan Knesset oo uu ugu jiro Likud, xisbiga Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
“Gantaalka Jericho! Gantaalka Jericho! Digniin istiraatijiyadeed. kahor inta aan la tixgelin soo saarista ciidamada. Adeegsada hubka qiyaamaha! Tani waa ra’yigayga.” ayuu Gotliv ku qoray X – oo hore u ahaan jirey Twitter – Isniintii, sida laga soo xigtey turjumaadda Cibraaniga ah.
Jericho waa magaca gantaalaha ballistic-ga qaaradaha isaga gudba ee Israa’iil (ICBM), kaasoo nooca ugu dambeeya uu awood u leeyahay inuu garaaco meel kasta oo adduunka ah.
Israa’iil ayaa si wayn loo fahamsan yahay inay haysato inta u dhaxaysa 100-200 oo madax oo nukliyeer ah, taasoo xukuumadda Tel Aviv aysan xaqiijin misna beenin.
Hadalsame Media