Israel oo Gaza ku riddey hub ka mamnuuc ah goobaha uu rayidku ku badan yahay (Daawo)

0

(Gaza) 11 Okt 2023 – Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa lagu eedeeyey inay u adeegsadeen rasaasta Fosfooraska cad duqaymaha ka dhanka ah Gaza, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa sidaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada Talaadadii.

Waxa kale oo ay soo bandhigtay muuqaal muujinaya cawaaqibka ka dhashay duqaymahan la sheegay in loo adeegsaday hubkan laayaanka ah.

Hubka fosfooraska cad laguma mamnuucin sharciga caalamiga ah laakiin isticmaalkiisa si adag ayaa loo nidaamiyey.

Hubka noocaan oo kale ah waa inaan loo isticmaalin meelaha dadku ku badan yahay, sababtoo ah khatarta ba’an ee saamaynta ay taasi ku yeelanayso dadka rayidka ah, sida uu dhigayo xeerka ku saabsanaa hubka caadiga ah ee gaarka ah ee Qaramada Midoobay  kasoo baxay 1980kii.

Muuqaal ay faafisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Falastiin oo lagu daabacay X (oo hore u ahaan jirtay Twitter) ayaa muujinaya hubkan oo ololaya oo dusha uga soo hoobanaya guryaha Gaza.

Hadalsame Media