Garsoore Talyaani ah oo loo ganaaxey inuu salaan ka qaadi waayey gabar calan-wale ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 11 Okt 2023 – Garsoore Talyaani ah ayaa lagu ganaaxay hal wareeg oo ciyaaraha Serie A ah maadaama uu ku guuldarraystay in uu gacan qaado gacanyarahooda kahor ciyaarta.

Sassuolo waxay u safartay Lecce fiidnimadii Jimcaha ciyaartoodii Serie A, iyadoo kooxda Alessio Dionisi ay 1-1 soo gashay.

Hase ahaatee, kahor inta aysan ciyaartu bilaaban waxaa tunnelka ka dhacday arrin muran leh, markii Juan Luca Sacchi uu ku guuldarraystay inuu ilaaliyo caadadii is gacan-qaadka ka hor ciyaarta ee caawiyihiisa gabadha ah ee Francesca Di Monte.

Kahor inta aysan ciyaarta bilaaban, Di Monte ayaa waxay sugaysey inay garoonka gasho, balse markii uu Sachhi yimid waxaa uu salaan u taagay dhanka Di Monte, balse markii ay soo taagtey ayuu u gooyey isagoo salaantii la aadey dhanka xiddig ka tirsan Lecce, taasoo yaxyax gelisey calan-wale Di Monte.

Hadalsame Media