”Waxaan la dagaallamaynaa xayawaankii insaanka” – Israel oo sheegtay inay Gaza ula dhaqmi doonto si ka baxsan insaaniyadda + Qorshaha

0

(Ashkalon) 10 Okt 2023 – Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant, ayaa ku dhawaaqay go’doominta Gaza, xilli uu socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) iyo maleeshiyaadka Xamaas.

Waxa uu warkiisu kusoo beegmayaa kaddib markii kooxda Falastiiniyiintu ay weerar ba’an ku qaadeen Israa’iil Sabtigii, halkaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen boqollaal qof.

“Waxaan amar ku bixiyey in si buuxda loo go’doomiyo Marinka Gaza,” Gallant ayaa yiri kaddib kulan qiimayn ah oo ka dhacay Taliska Koonfureed ee IDF Isniintii. “Ma jiri doonto koronto, cunto ma jiri doonto, shidaal ma jiri doono, wax walba waa xiran yihiin,” ayuu raaciyey, sida uu kasoo xigtey Times of Israel.

“Waxaan la dagaallamaynaa xayawaanka bini’aadamka, waxaana ula dhaqmaynaa si taa waafaqsan,” ayuu Wasiirku ku daray hadalkiisa uu kibirku ka muuqdo, ee uu ula jeedo kooxda Xamaas ee qabsaday qaybo ka mid ah dhulalka u dhow Gaza.

Hadalsame Media