(Nyon) 10 Okt 2023 – UEFA ayaa xaqiijisay Talaadadan in Talyaaniga iyo Turkigu ay wada martigelin doonaan Koobka Qaramada Yurub ee 2032, sidoo kale Ireland iyo UK ayaa wada martigelin doona dufcadda kasoo horreeysa ee Euro 2028.
Isagoo hadlayey kaddib markii la xaqiijiyey warkan, madaxa fulinta FA, Mark Bullingham, ayaa yiri: ‘Waan ku faraxsan nahay. Saddex sano ayay ahayd oo shaqo adag ah inaan soo gaarno halkan. Waa noo fiican tahay annaga, dalka iyo Ireland.”
UEFA ayaa sheegtay in qabanqaabiyeyaashan wadajirka ahi ay soo bandhigeen 20 garoon oo martigelin kara tartanka, kuwaas oo 10 ka mid ah la dooran doono, si uu shan u diyaariyo waddan kasta, taasoo lagu dhawaaqayo Oktoobar 2026.
“Talyaanigu ma uusan qaban qaabin tartan noocan ah oo kubbadda cagta muhim u ah tan iyo Koobkii Adduunka ee Italia 90,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga (FIGC), Gabriele Gravina, oo la hadlay Sky Sport 24 isagoo jooga Nyon.
“Kubadda cagtu waa inay noqotaa dhacdo dhaqameed jebisa caqabad kasta.” ayuu raaciyey Guddoomiyaha FIGC oo xusay inay diyaarin doonaan garoomo casri ah.
🇮🇹➕🇹🇷 Congratulations to Italy and Türkiye, co-hosts of #EURO2032!
The joint bidders presented 20 potential host stadiums, of which 10 will be chosen, five per country, by October 2026. pic.twitter.com/HYonnztmHc
— UEFA (@UEFA) October 10, 2023
Hadalsame Media