(Gaza) 09 Okt 2023 – RW Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa Sabtigii ku dhawaaqay in Israel ay rasmiyan ku jirto dagaal ay la gelayaan Falastiin isagoo u yeeray ciidanka kaydka ah, taasoo dabcan ka duwan marka la sheego inuu dhacayo howlgal kooban.
MAXAY KA DHIGAN TAHAY? Inta badan tillaabadani waa misaali, waayo laba jeeraba dagaalka ciidan ayaa geli lahaa kaydna waa loo yeeri lahaa, balse tan waxaa ku jiri kara laba ujeeddo.
1 – Marka uu dalku ku jiro dagaal rasmi ah, waxaa hirgelaysa xaalad deg deg ah, taasoo Xukuumadda siinaysa awoodo dheeraad ah oo ay wax ku fuliso iyadoo aan u baahan ducada Baarlamanka, iyadoo Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Baarlamanka Kneset-ku uu awooddaa ku sallimayo Xukuumadda isagoo ka wakiil ah Baarlamanka.
2 – Waxaa dhici kara qorshe duullaan dhulka ah oo lagu qaado Marinka Gaza, halkaasoo sidoo kale durba lagu qaaday weerar aad uga xooggan mid kasta oo awal halkaa lagu qaadi jirey.
Al Jazeera ayaa haatan xaqiijisay in ciidankii ugu badnaa ay dul hoganayaan Marinka Gaza iyadoo gawaari waawayn lagu keenayo ciidamo lug ah iyo sidoo kale abraarro xambaarsan tawaangida culus iyo gawaarida gaashaaman ee dagaalka. Waxay u badan tahay inay gudaha u galaan Gaza.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin, Netanyahu, ayaa ballanqaaday in uu “badelayo wajhada Bariga Dhexe” marka ay timaado dagaalka uu kula jiro Xamaas.
“Waxa Xamaas ay la kulmi doonto waxay noqon doontaa mid adag oo laga cabsado… waxaan doonaynaa inaan bedelno Bariga Dhexe,” ayuu hoggaamiyahan 73-jirka ahi ugu sheegay saraakiishiisa koonfurta dhulka ay haysato Israel oo ah meesha jabka wayn lagu gaarsiiyey Sabtigii iyo Axaddii.
“Tani waa bilow uun… dhammaanteen waan idinla jirnnaa, waxaana kaga adkaan doonnaa xoog, iyo awood aad u wayn.” ayuu raaciyey.
12-kii Sebtembar 2005, ayay ahayd markii ay Golaha Wasiirrada Israa’iil ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay soo afjareen haysashadii ciidammada Israa’iil ee Marinka Qaza.
Wixii intaa ka dambeeyey Marinka Gaza si ahaan ma jirin ciidan Yuhuud ah oo dhex joogey, waloow ay maamulaan hawada iyo badda GAZA.
W; D: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media