”Sidee hubkan ku heleen?!” – Maraykanka oo la yaabban in Xamaas ay wadato hub uu isagu sameeyey (Dalal la magacaabay)

0

(Hadalsame) 09 Okt 2023 – Washington waa inay Israa’iil kala shaqayso sidii loo baari lahaa asalka hubka uu Maraykanku sameeyey ee ay kooxda falastiiniyiinta ah ee Xamaas u adeegsatey weerrarada socda ee ka dhanka ah dalkaasi, sida ay Axaddii sheegtay wakiilka Jamhuuriga ee Marjorie Taylor Greene.

Haweenaydan oo ka tirsan Congress-ka ayaa sheegtay in hubka qaar ee ay Xamaas adeegsadaan laga yaabo inuu ka yimid Ukraine ama Afgaanistaan, hubkaasna ay tahay in la daba galo si loo ogaado isha uu ka yimid.

“Waxaan u baahan nahay inaan la shaqayno Israel si aan ula soconno tirooyinka taxanaha (serial numbers) ah hub kasta oo Maraykanka ah oo Xamaas u adeegsatey Israel. Ma waxay ka yimaadeen Afgaanistaan? Ma Ukraine bay ka yimaadeen?

Waxay u badan tahay in jawaabtu ay labadaba tahay,” ayay Haweenaydan muxaafidka ah ee Congress-ka ka tirsani kusoo qortay barteeda bulshada ee X, oo hore loogu yiqiin Twitter.

Ilaa hadda, ma jiraan cadaymo sugan oo taageeraya sheegashada haweenaydan. Si kastaba ha ahaatee, ugu yaraan hal muuqaal oo aan la xaqiijin oo dhex wareegaya khadka internet-ka ayaa muujiyey dagaalyahan Xamaas ah oo “uga mahadcelinaya” Ukraine hubkan isagoo soo bandhigaya qaybo kala duwan oo ah hub Maraykanku sameeyey, oo uu ku jiro nooca M136 ee taangiyada lagu dilo.

M136 AT4Hadalsame Media