RASMI: Midowga Yurub oo si rasmi ah u joojiyey dhammaanba kaalmadii uu siinayey Falastiin (Dal wayn oo isna jaraya)

0

(Gaza) 09 Okt 2023 – Midowga Yurub ayaa joojiyey dhammaan gargaarkii iyo kaalmadii horumarineed ee uu siin jirey Falastiin wixii ka dambeeyey weerarka kooxda Xamaas ay ku qaadday Israa’iil, sida uu ku dhawaaqay ururkaasi Isniintan.

Soo jeedinno hindise-miisaaniyadeed oo dheeri ah oo gargaarkan la xiriira ayaa sidoo kale dib loo dhigay “ilaa amar dambe,” sida uu sheegay Guddoomiyaha Xaafadaha iyo Ballaarinta ee Midowga Yurub, Oliver Varhelyi.

”Brussels waxay dib u eegis ku samayn doontaa dhammaan gargaarka iyo siyaasadda horumarinta ee ku wajahan Falastiin,” ayuu sarkaalku yiri, isagoo ku andacoonaya in “miisaanka argagixisada iyo naxariis darada ka dhanka ah Israa’iil iyo dadkeedu” ay ahayd “sababta isbedelka ka keentay” Midowga Yurub, sida uu ku doodayo.

“Ma jiri doonto inay wax kasta sidii caadiga ahayd ku socdaan,” ayuu Varhelyi ku yiri qoraallo taxane ah oo ku saabsan X (Twitter). “Waxaan u baahan nahay ficil, waxaanan u baahanahay hadda.” ayuu yiri.

Warkan ayaa yimid kaddib weerar lama filaan ah oo ay qaadeen Xamaas kaasoo ay dagaalyahannadu ku galeen ”xadka” Gaza iyo Israa’iil tiiyoo ay muddo kooban la wareegeen degaanno dhowr ah kaddib weerar gantaal oo ballaaran.

Dhanka kale, Wasaaradda Maaliyadda Jarmanka oo iyaduna sheegtay inay dib u eegis ku samaynayso gargaarkii uu dalkaasi siinayey Falastiin.

Arrintan ayaa ah tillaabo ay Galbeedku ugu hiillinayaan Israel oo 70 sano ka badan dulmi ballaaran ku hayso dadka reer Falastiin.

Hadalsame Media