(Casmara) 09 Okt 2023 – Madaxwaynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axaddii shalay ahayd booqasho shaqo ku tegay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, taasoo noqonaysa markiisii afaraad oo uu safar shaqo ku tago halkaasi tan iyo sannadkii hore.
Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa ayaa markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey Madaxwayne Isaias Afwerki oo uga hor tegey Asmara International Airport.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in safarka Maxamuud uu ku tegay dalka Ereteriya uu salka ku hayo xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga difaac iyo amni ee jira si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Madaxwayne Xasan Sheekh oo labadii bilood ee lasoo dhaafay hoggaaminayey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ka hagayey.
Ciidamada Soomaaliya ee lagu tababaray dalka Eritrea ayaa door muhim ah ka qaadanaya howlgallada millateri ee ka socda Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.
Bishii Agoosto 2022-kii, Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay “dagaal guud” oo ka dhan ah al-Shabaab oo xilligaa kaddib laga saaray meelo badan oo ay ka haysteen Gobollada Dhexe iyo meelo kale.
Hadalsame Media