(Tel Aviv) 09 Okt 2023 – Lacagta Shekelka Israel ayaa hoos u dhacday 3% marka loo eego Doollarka Maraykanka Isniintan isagoo gaarey 3.96, taasoo muujinaysa heerkii ugu liitey muddo sideed sano ah.
Lacagta ayaa hoos u dhacday xilli ay sii kordhayaan iskahorimaadka u dhexeeya ciidamada ammaanka ee Israa’iil iyo kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza.
Qiyaasta suuqa saamiyada TA-35 ee Israa’iil ayaa sidoo kale hoos u dhacay Isniintii, hoos u dhacaasi oo gaaraya 0.3% taasoo sii kordhisey hoos u dhacii ahaa 6.5% ee Axaddii.
Suuqyada saamiyada ee Bariga Dhexe ayaa sidoo kale hoos u dhacay walaac laga qabo in iskahorimaadku uu faafo. Qiyaasta bartilmaameedka Dubai ayaa lumiyey 2.8%, Masar EGX 30 ayaa hoos u dhacay 0.6%, midka Saudi Arabia ee Tadawul All Share Index ayaa isna hoos u dhacay 0.55%.
Sabtigii, kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa kumannaan gantaal ku ekeeyey Israa’iil, waxayna galiyeen maleeshiyaad kuwaasoo gudaha u galay degaannada Yuhuudda ee ku dhow ”xuduudka” Gaza.
Hadalsame Media