(Gaza) 09 Okt 2023 – Xamaas oo ah kooxda maamusha degaanka go’doonsan ee Marinka Gaza ayaa howlgal la yaabka leh oo la yiraahdo ”Duufaantii Al Aqsaa” ku qaadday Israel kaasoo ay tilmaantay inuu jawaab u ahaa nijaasayntii laga gaystey Masjidka Al-Aqsa
Dalka Masar ayaase haatan uga digtey saraakiisha Israa’iil in Xamaas ay qorshaynayso “wax wayn” kahor inta aysan kooxda Falastiiniyiinta ihi weerar ku qaadin dhammaadkii usbuuca, ilo sirdoon oo ku sugan Qaahira ayaa sidaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Associated Press.
Isha ayaa sheegtay in inkastoo digniinta in dhibaato karsamaysa Gaza laga soo sheegayo, haddana saraakiisha Israa’iil taa beddelkeeda waxa ay diiradda saareen Daanta Galbeed, maadaama inta badan taageerayaasha xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee deggan Daanta Galbeed ay dalbadeen in howlgal dhanka ammaanka ah oo laga sameeyo aaggaas.
“Waxaan uga digney in xaalad adagi kagasoo socoto, islamarkaana ay aad u dhow ahay, ayna noqon doonto mid wayn. Laakiin way dhayalsadeen digniinaha noocaas ah,” ayaa lagu yidhi war-sirdoonka kasoo baxay Masar.
Masar ayaa inta badan u adeegi jirtey inay tahay dhexdhexaadiye u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo sidoo kale ka qaybqaadata go’doominta Falastiin ee dhanka Rafax.
Hadalsame Media