(Rabaad) 09 Okt 2023 – XOGAHA XULKA QARANKA – Ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliya ayaa gaaray dalka Morocco, gaar ahaan magaalada Mohammedia ee ku taalla xeebaha galbeed ee dalkaas.
Tirada ciyaartoyda ee halkaas jooga caawa waa 28 ciyaartoy oo isugu jira kuwii laga xulay gudaha dalka iyo ciyaartoydii laga soo xulay kooxaha banaanka.
10 Ciyaartoy oo ka mid ah xiddigaha banaanka laga soo xulay ayaa soo gaaray Morocco, waxeyna kala yahiin:
1. Saalim Abdi (USA)
2. Sadiiq Elmi (Norway)
3. Xaaji Abdulkaadir (Spain)
4. Xuseen Cabdikariin (Finland)
5. Omar Jaamac (Finland)
6. Fahad Mohamed (Finland)
7. Abdi Shariif (England)
8. Zakarie Hassan (England)
9. Mohamed Awad (Malta)
10. Ciise Ismaaciil (Sweden)
Ciyaartoyda kale dhawaan ayey soo gaarayaan, waxaana halkiisa kasii socon doona tababarka uu qaranka sameynaayo, waxaana la isku diyaarinayaa kulamada saaxiibtinimo ee Niger & Sierra Leone.
Maxaad u rajaynaysaa qarankaaga?
W; D: Cabdirashiid Maxamuud Nuur
Hadalsame Media