(Gaza) 09 Okt 2023 – Saxafiyiinta Falastiiniyiinta ah ee Ibrahim Lafi iyo Mohammad al-Salixi ayaa la diley Sabtigii iyaga oo soo tebinaya dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil ee Gaza, sida ay sheegtay kooxda u dooda saxaafadda caalamiga ah ee suxufiyiinta aan xuduuda lahayn (RSF).
NGO-ga ayaa horay u sheegay in labada nin lagu waayey magaalada Beit Hanoun ee dhacda dhanka woqooyi bari ee Qaza.
“RSF waxay cambaaraynaysaa dembiyadan waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay xaqiijiyaan ilaalinta saxafiyiinta,” ayay kooxdu ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay X (oo hore u ahaan jirtay Twitter) Axaddii.
TV-ga Alcarabiya oo soo xiganaya warbaahinta Falastiin ayaa isna sheegay in Al-Salixi ay ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ku dileen xadka Gaza.
RSF waxa ay sidoo kale walaac ka muujisay bed-qabka labada sawir qaade ee kale, Nidal Al Whaidi iyo Haytham Abdel Wahed, iyaga oo intaa ku daray in labadoodaba Sabtigii lagu waayey isla Beit Hanoun.
Hadalsame Media