AC Milan oo suuq cusub ka heshay iibinta funaanadda goolwalaha Giroud (Ibra oo soo codsaday)

0

(Milano) 09 Okt 2023 – Waxaa Axaddii magaalada qadiimiga ah ee Genoa ka dhacday ciyaar daraama miiran ahayd oo socotey ku dhowaad 105 daqiiqo, taasoo ay 1-0 kusoo badisay kooxda AC Milan oo hoggaanka qabatay kaddib markii ay barriiqatay kooxda ay deriska yihiin ee Inter Milan oo hoggaanka Serie A la haysey.

Waxaa daqiiqaddii 87-aad Milan goolka madiga ah u dhaliyey C. Pulisic oo bedel kusoo galay ciyaarta, balse waxaa daqiiqaddii 90+9 roose loo taagey qabtaha Milan ee Mike Maignan, xilli uu sidoo kale bedelkii 5ta ahaa ka idlaaday kooxda.

Taasi waxay keentay in 4 daqiiqo oo ciyaarta ka harsanayd uu goolka galo qawaarka weerarka dhexe ee Olivier Giroud, kaasoo kooxdiisa ka badbaadiyey gool lagu barbarrayn lahaa oo aad ugu faafay baraha bulshada iyo warbaahinta caadiga ah.

DOODDII OO SII SOCOTA – Halyeeygii maalintaa ee Olivier Giroud, ayaa waxaa la kaftamay Zlatan Ibrahimovic, oo weli si adag ugu dhow midabbada Rossoneri oo la filayo inuu maamul ahaan ugu soo noqdo. Ugu horreeyn waxa uu u qoray Giroud.

“Weligaa ka waynaanaysid inaad hesho booskaaga runta ah” kaddibna waxa uu Milan waydiistay funaanadda goolhayaha oo uu ku qoran yahay lambarka iyo magaca xiddigga reer France. Kooxda Rossoneri, sida ku cad sheekooyinka Instagram, islamarkiiba waxay oggolaadeen rabitaanka Ibra.

SUUQ CUSUB – AC Milan ayaa sidoo kale suuq gayn ahaan uga faa’iidaysatey fursaddan cusub iyadoo durba bilowday inay daabacdo funaanadda goolwalaha oo uu ku buufsan yahay magaca Giroud iyo lambarka 9-aad, taasoo ay soo dhigtay suuqa online-ka ah iyo dukaankeeda rasmiga ah ee Milan Store si ay taageerayaashu u iibsadaan.

 

Visa detta inlägg på Instagram

 

Ett inlägg delat av AC Milan (@acmilan)

 

Visa detta inlägg på Instagram

 

Ett inlägg delat av AC Milan (@acmilan)

 

Visa detta inlägg på Instagram

 

Ett inlägg delat av AC Milan (@acmilan)

Hadalsame Media