(Hadalsame) 08 Okt 2023 – Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa ku dhawaaqay maanta oo Axad ah inay weerar madaafiic ah ku qaadeen dhulka Lubnaan, iyaga oo ka jawaabaya weerarro madaafiic ah oo laga soo tuuray dhanka xadka, sida ay sheegeen.
Weerarro hoobiyaal ah ayaa la soo weriyey inay Xisbullaah ku qaadeen Israel, maalin kaddib markii Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiin ay weerar ballaaran ku qaadeen magaalooyinka iyo saldhigyada ciidamada Israel ee Gaza.
Madaxwaynaha Iran ee Ebrahim Raisi ayaa isna khadka telefoonka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Xamaas iyo Islamic Jihad, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee IRNA.
“Raisi wuxuu kala hadlay arrimaha cusub Falastiiniyiinta isagoo si gaar ah telefoon ugula sheekaystay Ziyad al-Nakhalah, Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Islamic Jihad, iyo Ismail Haniyeh, Madaxa Xafiiska Siyaasadda (Xamas),” Wakaaladda Wararka ee Dowladda IRNA ayaa werisey, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
Wararka ka imanaya koonfurta Israa’iil ayaa sheegaya in Xamaas ay sii galeen gudaha Israa’iil iyagoo hadda jooga meel qiyaastii 10km (6.2 mayl) u jirta xayndaabka Israa’iil iyo Qaza, weriyaha Aljazeera ee Rob Reynolds ayaa sheegay in millateriga Israa’iil aysan ku guulaysan inay meesha ka saaraan dagaalyahannada Xamaas ee ku sugan qaar ka mid ah magaalooyinka iyo tuulooyinka Koonfurta Israa’iil.
“Waxaan sidoo kale maqalnay in dagaalyahannada Xamaas dib loo hubeeyey oo saanad la gaarsiiyey oo ay qabsadeen meel cusub – Kibutz Magen – taasoo ku taal koonfurta Israa’iil, waana meel aan markii hore la taaban,” ayuu yiri Reynolds.
Waxa uu intaa ku daray in wararku sheegayaan in 600 oo qof oo Yuhuud ah ilaa hadda lagu diley gudaha Israa’iil taasoo “gebi ahaanba argagax gelin doonta” Israa’iiliyiinta.
Dhanka kale, laba dalxiisayaal Israa’iili ah iyo muwaadin Masri ah ayaa la diley maanta kaddib markii askari ka tirsan booliiska Masar uu rasaas ku furay dalxiisayaal Israa’iili ah oo ku sugnaa degaanka Mansheya ee magaalada Alexandria ee dalka Masar, sida uu sheegay RT Carabi oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Waaxda Amniga ee dalkaasi Afrika ee Masar.
“Sarkaalkii booliiska ahaa markiiba waa la xiray, waxaana laga qaadayaa tallaabo sharci ah. Qofka dhaawaca ah ayaa loo gudbiyey isbitaalka si loogu daweeyo.” ayaa ishan laga soo xigtey.
Askariga la rumaysan yahay inuu mas’uul ka ahaa toogashadan ayaa la fahamsan yahay inuu weerarka u adeegsaday hubkiisa gaarka ah, meel u dhow goobta caanka ah ee loo dalxiis tago ee Pompey’s Pillar.
Dhanka kale, Wasiirka Waxbarashada Israel ee Yoav Kish ayaa sheegay in iskuullada dalka oo dhan ay xirnaan doonaan labada maalmood ee soo socota – Isniinta iyo Talaadada.
Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media