Waa kee waddanka qura ee Muslim ah ee Israel u sheegay inay iyadu sabab u tahay wixii shalay dhacay?

0

(Gaza) 08 Okt 2023 – Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa shalay weerar kedo ahaa ku qaaday Israa’iil oo ay uga soo daateen dhanka ”xadka” marinka Qaza oo ay kasoo qaadeen weerar ballaaran oo aan noociisa horay abid loo arkin.

Dunida Muslimka iyo caalamka oo idil ayaana weerarkaa ka fal-celiyey, balse marka la eego guud ahaan dalalka Muslimka hal dal ayaa u hambalyeeyey Falastiiniyiinta kaasoo ah Iiraan, halka hal dal oo kale uu si cad Israel ugu sheegay inay iyadu sababtay inay xaaladdu faraha ka baxdo.
sharethis sharing button

Dalka Qadar ayaa ku eedaysay Israa’iil inay mas’uul ka tahay xiisaddan millateri ee u dhaxaysa dhaqdhaqaaqa Wax iska caabinta Falastiin ee Xamaas iyo Israa’iil.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qadar ayay ku sheegtay in Israa’iil ay “kaligeed mas’uul ka tahay inay xaaladdu faraha ka baxdo sabab la xiriirta ku xad-gudbinta joogtada ah ee xuquuqda dadka reer Falastiin, taasoo ay ku jirto duullaankii soo noqnoqday ee dhowaan lagu galay Masjidka Al-Aqsa oo ay amaankiisa mas’uul ka yihiin booliska Israa’iil. ”

Waxay carrabka ku adkaysay “baahida deg dega ah ee ay beesha caalamku u qabto in Israa’iil ay joojiso xadgudubyada qaawan ee baal marsan sharciga caalamiga ah, una hoggaansanto qaraarada sharci ee caalamiga ah, ixtiraamtana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiiniyiinta.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qadar ayaa waxay kaloo ku celisey “mowqifkeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan xaqnimada qadiyadda Falastiin iyo xuquuqda sharciga ah ee dadka Falastiiniyiintu leeyihiin, kuwaasoo ay ku jirto samaynta dowladooda madaxbannaan oo ku dhisan xuduudihii 1967-kii islamarkaana ay caasimaddeedu tahay Bariga Quddus.”

Hadalsame Media