Maraykanka oo si dadban usoo galay dagaalka & Digniin uu u diray Xisbullaah (Turkiga oo digniin kale jeediyey)

0

(Hadalsame) 08 Okt 2023 – Maraykanka ayaa uga digey dhinacyada seddexaad inay isku dayaan inay farageliyaan khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya kooxda Falastiniyiinta ee Xamaas iyo Israa’iil, sida uu shaaciyey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Antony Blinken.

Digniintan ayaa si gaar ah loo gaarsiiyey kooxda Hezbollah ee fadhigeedu yahay Lubnaan, sida uu Blinken u sheegay barnaamijka CNN ee State of the Union goor dhowayd.

“Hadafkeenna ugu wayn waa in la hubiyo in Israel aysan la kulmin dhibaatooyin dhinacyo kale ka imanaysa,” ayuu diblomaasiga ugu sarreeya ayaa sharaxay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa qiray duqaymaha lagu hayo Israa’iil, ee subaxnimadii hore ee maanta lagu arkay woqooyiga dalkaasi, loo aaneynayo dhaqdhaqaaqyada Xisbullaah.

Weeraradaasi ayaa waxay u muuqdeen inay joogsadeen kaddib markii ay duqaymo aargoosi ah qaadday Israel, Blinken ayaa xusay.

Maraykanka ayaa sidoo kale hiillo kale oo aan leex leexad lahayn u muujiyey Israel, isagoo ballanqaaday gargaar ciidan oo dheeri ah iyo inuu halkaa u dirayo markab diyaaradaha xambaara.

Dhanka kale, colaadaha sii socda ee u dhexeeya Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ayaa noqon doona mid aan laga badbaadin karin Bariga Dhexe haddii aan la isku raacin xal laba dowladood ah oo dammaanad qaadaya dowlad xor ah oo madax-bannaan oo Falastiini ah, sida uu qabo Dr Numan Kurtulmus, oo ah afhayeenka cusub ee Golaha Qaranka ee Turkiga.

Kurtulmus ayaa hadal uu ka jeediyey Istanbul ku yiri “Qaskan ka taagan Bariga Dhexe ma dhamaan doono ilaa laga helayo dowlad Falastiini ah ka madax-banaan.” Ayuu yiri.

Hadalsame Media