(Hadalsame) 08 Okt 2023 – Muwaadiniin Ruush ah ayaa laga yaabaa inay ka mid ahaayeen dadka ay qabteen kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, sida uu sheegay Safiirka Israa’iil u fadhiya Ruushka ee Alexander Ben Zvi.
Diblomaasigan ayaa hadalkan u sheegay Wakaaladda Wararka ee TASS maantadan Axadda ah, isagoo sharraxay in Xamaas ay qabsadeen tiro “badan” oo la haystayaal ah intii lagu jirey duullaanka ay Gaza ku qaadday koonfurta Israa’iil.
“Tirada la haystayaashu waa badan yihiin. Laakiin weli ma hayno xog sax ah. Dad badan ayaa sheegaya tiro ku dhow 100. Qof walba hadda wuxuu qiimaynayaa xaaladda,” ayuu yiri ergaygu.
Tiro muwaadiniin Ruush ah ayaa laga yaabaa in ay ku jiraan maxaabiista ay hayaan Falastiiniyiintu, Ben Zvi ayaa sidaa soo jeediyey, isaga oo intaa ku daray in aysan jirin xog la taaban karo oo arrintan ku saabsan weli.
Ugu yaraan 350 Israa’iiliyiin ah ayaa lagu diley weerarka, ayuu yiri Safiirku, halka 1,800 oo kalena lagu dhaawacay. Tirooyinkan ayaa la filayaa inay sii kordhaan.
Warar madax bannaan ayaa xitaa sheegaya in Yuhuudda laga diley dad kor u dhaafaya 600 oo qof.
Hadalsame Media