(Gaza) 08 Okt 2023 – Xildhibaannadda Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Baarlamanka Maraykanka, ayaa ka fal-celisey weerarkii kedada ahaa ee ay Xamaas shalay uga yaabiyeen Israel.
Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga horayna marar badan loogu eedeeyey inay Israel neceb tahay ayaa taageero u muujisay Yuhuudda, iyadoo sheegtay inay ka xun tahay wixii shalay ku dhacay iyadoo degelka X kusoo qortay:
“Waxaan cambaaraynayaa falalkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay Israa’iil kuwaas oo lagu beegsaday dhallaan, haween, waayeel iyo dad kale oo aan hubaysnayn oo ay ururka Xamaas gawraceen qaarna ay qafaasheen”
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongrayska ayaa cambaaraysay ururka Xamaas oo ay ku eedaysay inay laayeen dad rayid ah ama ay qafaasheen, iyada oo ku baaqday xabbad joojin iyo in dejiyo xaaladda kacsan.
Yeelkeede, Ilhaan marna sooma hadal qaadin rayidka reer Falastiin ee shalay oo qura dhintay oo ay tiradoodu haatan sii marayso 200 oo qofood, halka ay dhaawacmeen 1,610 qof oo Falastiiniyiin ah.
Hadalsame Media