(Genoa) 08 Okt 2023 – Waxaa xalay magaalada qadiimiga ah ee Genoa ka dhacday ciyaar daraama miiran ahayd oo socotey ku dhowaad 105 daqiiqo, taasoo ay 1-0 kusoo badisay kooxda AC Milan oo hoggaanka qabatay kaddib markii ay barriiqatay kooxda ay deriska yihiin ee Inter Milan oo hoggaanka Serie A la haysey.
Waxaa daqiiqaddii 87-aad Milan goolka madiga ah u dhaliyey C. Pulisic oo bedel kusoo galay ciyaarta, balse waxaa daqiiqaddii 90+9 roose loo taagey qabtaha Milan ee Mike Maignan, xilli uu sidoo kale bedelkii 5ta ahaa ka idlaaday kooxda.
Taasi waxay keentay in 4 daqiiqo oo ciyaarta ka harsanayd uu goolka galo qawaarka weerarka dhexe ee Olivier Giroud, kaasoo kooxdiisa ka badbaadiyey gool lagu barbarrayn lahaa oo aad ugu faafay baraha bulshada iyo warbaahinta caadiga ah.
Inuu Super G goolka galo iyo inuu kubbaddaa halista ah badbaadiyo ayaa waxay noqotay arrinta ugu hadal haysta badan dunida ciyaaraha 24-kii saacadood ee tegey, iyadoo taageerayaasha qaarkood ay durba goolwalaha Man United ku xifaalaynayaan inuu ka cleansheet badan yahay Giroud, halka qaar ay Man U ugu baaqeen inay goolwale ka dhigato Giroud.
Halkan hoose ka eeg sida loo hadal hayo wixii xalay ka dhacay Genoa.
Hadalsame Media