Dal Muslim ah oo xannibaado kusoo rogaya xijaabka & Xeerar yaab leh oo uu soo wado

0

(Hadalsame) 08 Okt 2023 – Waxaa marar badan ay doodi ka timaadaa xadidaadaha ay dalalka qaarkood kusoo rogaan dharka muujinaya shacaa’irta diimeed, gaar ahaan Xijaabka iyo Niqaabka ay xirtaan haweenka Muslimiintu, waxaana dalalkaa ugu fongoran Faransiiska.

Yeelkeede, Kazakhstan ayaa laga yaabaa inay mamnuucdo ku xirashada niqaabka Islaamka meelaha fagaaraha ah, sida ay sheegtay Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta, Aida Balayeva, mar ay shir jaraa’id ku qabatay Astana.

Balayeva waxay sheegtay in mas’uuliyiintu ay dib u eegis ku samayn doonaan oo ay cusboonaysiin doonaan sharciyada hadda jira, kuwaasoo ay tilmaantay in aysan bixinayn agab ku filan in lagula tacaalo xagjirnimada diinta iyo “dhaqdhaqaaqyada diimeed ee aan caadiga ahayn”, sida ay tiri.

“Sharciyada jira xitaa kuma jiraan erayga “kooxo diimeed oo wax burburiya,” ayay tiri, sida ay soo xigatey Wakaalada Wararka  dalkaasi ee Kazinform.

Mar la waydiiyey bal in dowladdu mamnuuci doonto xirashada indho-shareerka iyo dharka kale ee shacaa’irta diinta Islaamka muujinaya, Balayeva ayaa ku jawaabtay:

“Xaqiiqdii waan baari doonnaa oo waxaan soo jeedin doonnaa xeerar dhigaya in, ugu yaraan goobaha dadwaynaha. [sharciyada] noocan oo kale ah looga dhaqmo sababtoo ah waa su’aal ku saabsan amniga qaranka. Aad bay u adag tahay in la aqoonsado [dadka] meelaha caamka ah jooga ee wejiyada daboosha.”

Isagoo ka hor hadlayey koox macalimiin ah Khamiistii, Madaxwaynaha Kazakhstan ee Kassym-Jomart Tokayev ayaa carrabka ku adkeeyey wax uu ku sheegay ”muhiimadda cilmaaninimada” ee lagu qeexay dastuurka dalkaasi.

Ku dhowaad 71% dadka deggan Kazakhtan waa Muslimiin halka 20% ay yihiin Masiixiyiin Ortodoks ah, marka loo eego tirakoobkii 2021-kii.

Balayeva appointed as Ministry of Culture and Information of Kazakhstan

Hadalsame Media