Xamaas oo gacanta ku dhigtay Jen. Namruud ilaa 50 qof oo kale & Duqaymo aan loo aaba yeelin oo Gaza lagu qaaday

0

(Gaza) 07 Okt 2023 – Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa saaka weerar lama filaan ah ku galay gudaha dhulka ay Israel haysato iyagoo khasaaro wayn gaarsiiyey.

Xamaas ayaa sheegay inay qabteen dad maxaabiis ah oo Israa’iiliyiin ah kaddib markii ay Israa’iil uga soo daateen dhanka ”xadka” marinka Qaza oo ay kasoo qaadeen weerar ballaaran oo aan noociisa horay abid loo arkin.

RW Israel ee Benjamin Nettanyahu ayaa ku dhawaaqay in Israel rasmiyan weerar loogu soo qaaday iyaduna ay dagaal rasmi ah ku jirto, isagoo u yeerey ciidanka kaydka ah ee Israel islamarkaana ku gooddiyey inuu qaadayo dagaal aan noociisa horay abid loo arag.

Waxaa deeto bilowday weerarro cirka ah oo aan loo aabo yeelin oo lagu qaaday Marinka Gaza, halkaasoo lagu dumiyey guryo dhaadheer laguna diley dad rayid ah oo uu ku jiro weriye Mohamed Al Salhi.

Waxaa ilaa haatan Falastiiniyiinta ka dhintay 198 shahiid, halka ay dhaawacmeen 1,610 qof oo lagu waxyeelleeyey weerarka Gaza.

Xamaas ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen ilaa 50 qofood oo ay 35 askar yihiin waxaana dadkaa ka mid ah Jeneraal Israeli ah oo la yiraahdo Nimrod Aloni.

Magaalooyin badan oo Muslim ah min Camaan, Baqdaad ilaa Bayruut ayay dadku u dabbaaldegeen guushii saaka ee Falastiiniyiinta iyadoo Baqdaad lagu sharraxay calanka Falastiin iyo Howlgalka Duufaanta.

Halkan uga bogo….

Hadalsame Media