Trump oo loo haysto inuu ”gudbiyey” xog xasaasi ah oo ku saabsan gujisyada nukliyeerka Maraykanka (Arrin Ruushka laga qarinayey)

0

(Hadalsame) 07 Okt 2023 – Madaxwaynihii hore ee Maraykanka ee Donald Trump ayaa lagu soo warramayaa in lagu eedeeyey in uu kala hadlay xog xasaasi ah oo ku saabsan gujisyada leh tamarta Nukliyeerka ee dalkaasi mar uu la sheekaysanayay nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Australia xili uu ku sugnaa naadigiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida.

Wadahadalka uu la yeeshay bilyaneerkan Anthony Pratt ayaa dhacay Abriil 2021-kii, saddex bilood kaddib markii Trump uu xafiiska ka tegay, waxaana lagu eedeeyey inay ku jireen tixraacyo inta madax ee ay maraakiibta quusta ee Maraykanka qaadi karaan iyo inta ay u dhowaan karaan maraakiibta Ruushka iyada oo aan la ogaan, sida ay ABC News werisey.

Pratt, oo maamula shirkadda wax baakadaysa ee Pratt Industries, ayaa la sheegay inuu xogtaa la wadaagay in ka badan 12 sarkaal oo Australian ah, iyo sidoo kale saxafiyiin iyo qaar ka mid ah shaqaalihiisa, sida ay majaladdu sheegtay, iyada oo soo xiganaysa dad aan la magacaabin oo arrintan la socda.

ABC waxa ay qiratay in aanay caddayn karin in hadalka Trump ee ku saabsan maraakiibta quusta ee Maraykanku ay ahaayeen kuwo sax ah; sidoo kale ilo-wareedyadan qarsoodi ah ee warbaahintu si gaar ah uma sheegan in macluumaadkaasi sir ahaa iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee, dacwad-oogayaasha Maraykanka iyo FBI-da ayaa Pratt ka arrintan ka waraystay ugu yaraan labo jeer sanadkan iyagoo waydiinaya wadahadalka uu la yeeshay Trump, baarayaasha ayaa sidoo kale ku boorriyey ganacsadaha inuusan sii faafin macluumaadkan sababtoo ah waxa uu noqon karaa mid xasaasi ah.

Eedeymahan ayaa waxaa loo gudbiyey la-taliyaha gaarka ah ee Maraykanka Jack Smith iyo kooxdiisa baarayaasha ah.

Smith ayaa ah ninka gacanta ku haya eedo hore oo loo haysto Trump sida inuu xaafaddiisa u qaatay galal sida xogo xasaasi ah oo sir qaran ah iyo inuu 2020-kii holliyey inuu diido guuldarradii lagaga qaaday kursiga.

Hadalsame Media