(Gaza) 07 Okt 2023 – Dagaalyahannada Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay qabteen dad maxaabiis ah oo Israa’iiliyiin ah kaddib markii ay Israa’iil uga soo daateen dhanka ”xadka” marinka Qaza oo ay kasoo qaadeen weerar ballaaran oo aan noociisa horay abid loo arkin.
Xamaas oo ah kooxda maamusha degaankan go’doonsan ee Marinka Gaza ayaa sheegay in howlgalkooda la yaabka leh oo la yiraahdo ”Duufaantii Al Aqsaa” uu jawaab u ahaa nijaasayntii laga gaystey Masjidka Al-Aqsa iyo rabshadaha sii kordhaya ee dadka halkaa degaamaystey.
Muuqaal, oo si wayn loogu faafiyey baraha bulshada, ayaa sida muuqata laga arkayaa gaari culus oo cagaf-cagaf ah oo jebinaya xayndaabka u dhaxeeya Israa’iil iyo Qaza.
160 iskugu jira dagaalyahanno & Rayid Falstiini ah ayaa la sheegayaa inay ilaa haatan dhinteen.
Maamulka Israel ayaa goor sii horreeysey sheegay in ugu yaraan 22 qof ay dhinteen, iyadoo in ka badan 250 ay ku dhaawacmeen. Balse Al Jazeera ayaa sheegtay in geerida Israel ay gaarayso wax ka badan ilaa 40. 75o Yuhuud ah ayaa sidoo kale dhaawacmay, sida ay sheegeen.
Faahfaahin badan ayaan weli kasoo bixin weerarka, lamana oga ilaa hadda in 22-ka qof ee ay Yuhuuddu qiratay ay yihiin shacab ama ciidan, iyadoo Guutada Qasaam ay jiirtey daafacii Israel ee ”xadka gidaarka ah.”
RW Israel ee Benjamin Nettanyahu ayaa ku dhawaaqay in Israel rasmiyan weerar loogu soo qaaday iyaduna ay dagaal rasmi ah ku jirto, isagoo u yeerey ciidanka kaydka ah ee Israel islamarkaana ku gooddiyey inuu qaadayo dagaal aan noociisa horay abid loo arag.
Waxaa durba weerar Israeli ah lagu ekeeyey Marinka Gaza oo duqaymo ba’ani ku socdaan.
Xamaas ayaa se sheegtay inay guud ahaan adeegsatey in ka badan 5,000 oo gantaal ah 20-kii daqiiqo ee ugu horreeysay ee weerarkeeda.
Si taas laguugu macneeyo, ilaa 4,000 oo gantaal ayaa laga soo ganay Marinka Gaza iyadoo lagu ganay gudaha Israa’iil intii lagu jirey dagaalkii 50-ka maalmood socday ee labada dhinac dhexmaray 2014kii.
Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay maxaabiis Israeli ah oo ay ku hayaan Marinka Gaza.
FAL-CELINTA CARBEED & MUSLIMIINTA: Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in Israa’iil ay kaligeed ka mas’uul tahay rabshadaha sii kordhaya ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.
Waxay sheegtay Qatar inay ugu baaqayso labada dhinac inay is xakameeyaan, waxayna beesha caalamka ugu baaqaysaa inay Israa’iil ka hortagto dhacdooyinkan marmarsiiyada looga dhiganayo in dagaal aan loo meel dayin lagu qaaddo rayidka Falastiiniyiinta ee Gaza.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga, oo Israa’iil kala xaajoonaysa sidii loo caadiyan lahaa xiriirka labada dhinac, ayaa ku baaqday “in si deg deg ah loo joojiyo rabshadaha u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta”, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Dowladda.
Bayaanka Wasaaradda ayaa u dhignaa: “Waxaan si dhow ula soconaa isbeddellada aan horay loo arag ee u dhexeeya tiro ka mid ah kooxaha falastiiniyiinta iyo ciidamada xoogga wax ku haysta ee Israa’iil ee horseeday rabshado waawayn oo dhinacyo badan leh.”
Dalka Turkiga oo aalaaba taageera Falastiiniyiinta ayaa ku baaqay inay dhinacyadu is xakameeyaan oo dagaalka loo joojiyo sida ugu dhaqsaha badan.
REER GALBEEDKA: Golaha Ammaanka oo kulan u aadey magaalada Adis Ababa oo ay kulan kula lahaayeen Midowga Afrika ayaa dib ugu laabanaya New York, si ay kulan aan caadi ahayn uga yeeshaan tadawurkan cusub.
Maraykanka, Faransiiska, Jarmanka iyo Midowga Yurub ayaa taageero iyo hiillo u muujiyey Israel oo ay sheegeen in lagu soo qaaday wax ay ku sheegeen ”weerar argigixiso ah.”
جرافة فلسطينية تقوم بازالة الجدار الذي بنته إسرائيل ليحيط بقطاع غزة. pic.twitter.com/sFXOMN8Nlp
— ZaidBenjamin زيد بنيامين (@ZaidBenjamin5) October 7, 2023
Hadalsame Media