Magaalo laga dejiyey Calanka Ukraine kaddib markii uu Zelensky telefoonka kula hadlay MW dal Muslim ah

0

(Vienne) 07 Okt 2023 – Duqa magaalada Vienne ee koonfurta-bari ee Faransiiska ayaa go’aansaday inuu calanka Ukraine ka dejiyo xarunta Dowladda Hoose, isaga oo sabab uga dhigay wada hadal telefoon “aan la aqbali karin” oo dhex maray Madaxwaynaha Ukraine Vladimir ee Zelensky iyo Madaxwaynaha Azerbaijan ee Ilham Aliyev.

Thierry Kovacs ayaa sharraxay in calanka markii hore loo suray si ay u muujiyaan hiillada Kiev inta lagu guda jiro dagaalka hubaysan ee ay kula jiraan Russia.

Waxa uu se ku dooday, si kastaba ha ahaatee, in aanay suurtagal ahayn in la sheegto qiyamka reer Galbeedka oo loogu yeero reer Galbeedka inay soo gurmadaan, iyada oo la taageerayo Azerbaijan iyo “oo isir sifayn qowmiyadeed” ku haysa Armenian-ka Nagorno-Karabakh, sida uu ku dooday.

“This doesn’t take anything away from Vienne’s support for the Ukrainian people, but we can’t fight a totalitarian regime in the name of European values, while at the same encouraging another dictatorial and barbaric regime.

“Tani waxba kama bedelayso taageerada magaalada Vienne ee dadka reer Yukrayn, laakiin lama dagaallami karno nidaam kali-talis ah, iyada oo la dhiirigelinayo nidaam kale oo kalitalis ah misna cawaan ah,” ayuu yiri.

Waa su’aal ku saabsan in mabda’u is waafaqsanaado.” ayuu duqa magaaladu kusoo qoray Facebook.

The beautiful French city that no one has heard of

Hadalsame Media