Haweeney MW ka ah dal Yurub ah oo sheegtay DHIB uu ku hayey hoggaankii dhintay ee kooxda Wagner

0

(Hadalsame) 07 Okt 2023 – Hogaamiyihii geeriyoodey ee kooxda Wagner, Evgeny Prigozhin, ayaa isku dayey inuu afgambi ka sameeyo dalka Moldova, tiiyoo ay ujeedaduna tahay in la bedelo dowladdan taageersan reer Galbeedka, sida ay sheegtay Madaxwayne Maia Sandu.

Sandu waxa ay in badan ku eedaynaysey Ruushka inay isku dayayeen inay xilka ka xayuubiyaan, waxayna hoggaaminaysey olole ka dhan ah mucaaradkeeda taageersan Moscow.

“Macluumaadka aan hayno ayaa ah inuu ahaa qorshe ay diyaariyeen kooxda [Prigozhin],” ayay Sandu ku yiri waraysi ay siisay Financial Times oo la daabacay Jimcihii.

Sida laga soo xigtay Sandu, madaxii hore ee Wagner wuxuu qorsheeyey inuu ku dhiirrigeliyo in mudaaharaadyada dowladda kasoo horjeedaa ay isu beddelaan “rabshado,” iyada oo aan bixin wax tafaasiil dheeraad ah.

Horaantii sanadkan, Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky ayaa waxa uu ku andacoodey in sirdoonkiisu ay kashifeen qorshe ay kooxda Wagner hoggaaminayeen oo lagu doonayey in lagu afgembiyo Sandu laguna bedelo hoggaamiye daacad u ah Ruushka.

Sandu ayaa markaas kaddib sheegtay in maamulka Moldova ay eryeen ku dhowaad 200 oo diblomaasiyiin ajaaniba ah iyo dad kale, oo uu ku jiro xubin ka tirsanaa kooxda Wagner.

Marka laga soo tago sheegashadan Sandu iyo Zelensky, midkoodna wax caddayn ah oo ku saabsan shirqoolkan afgembi ee ay sheegeen waligeed ma shaacin.

Moldova's President Maia Sandu: A Real Friend of the West - CEPA

Hadalsame Media