(Hadalsame) 07 Okt 2023 – La-taliyaha sare ee hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran ee Ali Khamenei ayaa hambalyo usoo jeediyey Falastiiniyiinta oo weerar lama filaan ah ku qaaday dhulka ay haysato Israel saaka, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Iran ee ISNA.
“Waxaan u hambalyaynaynaa dagaalyahannada Falastiiniyiinta,” ayuu yiri Major General Yahya Rahim Safavi, sida laga soo xigeay isha wararka Iran, isagoo ballanqaaday in Tehran “ay garab istaagi doonto ilaa laga xoraynayo Falastiin iyo Quddusta barakaysan.”
Isagoo ka hadlayey caasimadda Iran ee Tehraan Shirka 6-aad ee Caalamiga ah ee Hiillada Carruurta iyo Dhalinyarada reer Falastiin Sabtigan, Safavi wuxuu kaloo yiri “waxaan taageereynaa howlgalka Duufaanta Al-Aqsa.”
Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Xamaas ay galeen gudaha dhulka Israa’iil xukunto subaxnimadii hore ee Sabtigan, iyadoo wararku ay sheegayaan in ay la wareegeen gacan ku haynta qaar ka mid ah degaannada koonfurta ku yaalla.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in qaar ka mid ah in Kataa’ibul Qasaam ay sidoo kale qabsadeen muwaadiniin Israeli ah iyo askar la qabtay. Waxay sidoo kale qabsadeen xeryo dhan sida mid ay yaalleen tawaangida Israel, sida lagu baahiyey warbaahinta Falastiiniyiinta.
Saleh al-Arouri oo ah ninka 2-aad ee ugu darreeya Xamaas ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas.
Capturing POWs by Palestinians vs capturing POWs by Israelis pic.twitter.com/D8qLnrbMGX
— IRNA News Agency (@IrnaEnglish) October 7, 2023
Hadalsame Media