(Hadalsame) 07 Okt 2023 – Shalay markii salaada jimcaha laga baxay ayaa waxaa istaagay iimaanka masaajidka waxa uu yiri “Masaajidka wax yar baa ka dhimman ha laga qeybqaato,ogaaddana qofkii masaajidka waxa ku darsada, waxa uu waxa darsaday mid ka mid ah guryaha Illaahay.”
Wiil yar agtayda fadhiya ayaa si hoose u yiri haddii masaajidku yahay gurri Illahay maxaad u xirataa maad ummadda u furtid, haddalka wiilka annigu toos baan u maqlay intaan qoslay baan irri maxaa dhacay, waxa uu yiri “marka caruurtiisu waxa akhrisanayaan masaajidka salaada Cishaha ka bacdi waa uu ogalyahay inay waxa ku diyaarsadaan.
Sidoo kale salaada Casar iyo Maqribka inta u dhaxaysa waa furaa marka caruurtiisa wax akhrisanayaan, laakiin marka caruurtiisa aysan joogin annaga waxa uu nagu yiraahdaa marka salaada Cishaha laga baxo ama Casarka orda guryaha waxa ku akhrisada.
Buundadaan waa danguud, waxaana adeegsada caruurta dhigata Iskoolka 21 October si ay ugu badbaadaan gaariyaasha wadda maraya, saakay waa xirnayd oo caruurtu ma marayn,waxaa macquul ah inuu furaha buundada hayay mid ka mid ah dadka cauurtooda adeegsadaan.
Yeelkeede, saakay cauurtiisa aysan iskoolka soo aadin, maadaama caruurtiisa aysan maanta buundadaan marayayn furahii waa la seexday lanbarkiina waa dansaday, waxba kama galin cauurta kale haddii gaariyaashu laayaan maanta.
Waxaad arkaysaa qof fadhiya xafiis dowladeed oo ku leh, xafiiska iiga baxa, qof shacab ah oo adeeg u soo doontay xafiiska. waxay tusaaale u tahay caqliyada iyo damiirka qofka Soomaaliga ah, dunidda dalalka iyo dowladahu waxay u burburaan.
Marka adeegyada danta guud shakhsiyaad gaarra sidda ay doonaan ka yeelaan iyo awoodda dowladnimadda oo shacbka lagu dhibaateeyo, waxaa ka dhasha kalsooni darro iyo qalalaale, oo ah middii burburisay dowladdii Soomaaliya ilaa hadda aan isku aamini la’nahay.
Shacabka oo arrintan la yaabban ayaa iyana ka fal-celiyey buundada jid ka tallaabka ah ee la iska xirtey, iyagoo fahmi la’ sababta loo xirayo, ugu horreeynba.
W; Q: Cabdinuur Wayrax
Hadalsame Media