UK oo uu weli ka shaqeeyo sharci qosol badan oo ku saabsan Muuska oo ay dejisey EU

0

(London) 06 Okt 2023 – Dowladda Ingiriiska ayaa waxay meesha ka saari doontaa “sharci yaab leh” oo ka yimid EU oo ku saabsan muuska qalloocan, sida ay ku dhawaaqday Xoghayaha Degaanka ee Therese Coffey intii lagu jirey shirkii xisbiga Konserfatifka.

Iyada oo ka hadlaysey kulanka sannadlaha ah ee xisbiga Tories oo ku qabsoomay Manchester, Coffey waxa ay ku dhawaaqday in hal “qalloocnaado ama ha toosnaadee, aysan dowladdu weli go’aan ka lahayn qaabka uu u egyahay mooska aad rabto inaad cuntaan.”

Xeerka EU ee 1333/2011 ayaa wuxuu dhigayaa in mooska lagu iibiyo gudaha dalalka ururka ku jira ay tahay inuu xor ka ahaado”qallooca aan caadiga ahayn,” marka laga reebo kuwa ka yimaada meelaha la qoondeeyey ee Qubrus, Greece, ama Portugal.

Kahor aftidii Brexit ee 2016-kii, sharcigan waxaa tusaale loogu soo qaadan jirey doodaha siyaasiyiinta taageersan Brexit iyo khubarada oo ku tilmaami jirey wax muujinaya xad-dhaafka ay sameeyeen wax ay ku sheegeen “buruqraadiyiinta Brussels”.

Other such examples include an 1,800-word directive on marketing standards for headed cabbages, and a ruling forbidding manufacturers of bottled water from claiming that their product relieves dehydration.

Tusaalooyinka kale ee noocaas ah ee lagu qoslo waxaa ka mid ah 1,800-eray oo ku saabsan heerarka looga baahan yahay suuqgeynta ee kaabajka, iyo xukun ka mamnuucaya soosaarayaasha biyaha mineraal ah ee caagagga ah inay sheegaan in biyuhu ay yareeyaan fuuqbaxa.

Yeelkeede, in kasta oo si wayn loogu jeesjeesay xeerka ‘mooska qalloocan’, haddana waxay weli kusii jirtaa buugaagta sharciga UK ku dhowaad afar sano kaddib markii Britain ay si rasmi ah uga baxday Midowga Yurub.

Hadalsame Media