(Hadalsame) 05 Okt 2023 – Madaxwaynaha Tunisia ee Kais Saied ayaa diiday deeq lacageed oo ka timid Midowga Yurub oo loogu talagalay in lagu taageero miisaaniyadda dalkaas iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka socdaalka, isagoo ku andacoonaya in ururkani uu jabiyey heshiisyadii la saxiixay horraantii sanadkan.
“Tunisia way diiday waxa Midowga Yurub uu ku dhawaaqay, mana aha sababtu lacagta oo yar… laakiin sababtu waa in soo jeedintani ka hor imanayso heshiiskii is afgaradka ahaa ee la saxiixay bishii Luulyo,” ayuu yiri Saied, sida lagu sheegay bayaan ay daabacday warbaahinta qaranka ee TAP.
Midowga Yurub waxa uu heshiis iskaashi la saxiixday Saied bishii Luulyo, isagoo u ballanqaaday in ka badan 1 bilyan oo Yuuro ($1.12 Doollar) waddanka Woqooyiga Afrika ku yaalla si uu uga caawiyo dhaqaalihiisa burburay iyo in la xakameeyo socdaalka aan caadiga ahayn ee ka imanaya xeebaha Tunisia ee gelaya Yurub.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Midowga Yurub ayaa bishii hore ku dhawaaqay inay bixinayaan lacag dhan 127 milyan oo Yuuro oo qura oo u dhiganta 133 milyan oo Doollar, iyadoo dhaqaalaha ugu badan loo qoondeeyay wax ka qabashada arrimaha socdaalka, taasoo ay ku jirto fududaynta muhaajiriinta loo musaafurinayo dalalkooda.
Isaga oo ka jawaabaya ku dhawaaqista Midowga Yurub, Madaxwaynaha Tunisia ayaa sheegay in uusan aqbali doonin “lacagtan yar” sababtoo ah “waa ixtiraam la’aan”.
“Tunisia, oo aqbalaysa iskaashi, ma aqbasho wax kasta oo u eg sadaqo ama deeq,” ayaa Saied waxaa kasoo xigtey TAP mar uu la kulmayay Nabil Ammar, Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda iyo Socdaalka ee waddanka.
Hadalsame Media