Maraykanka oo muujiyey sida uu uga cabsanayo in Sucuudigu uu nukliyeer samaysto (Warqad ay saxiixeen 20 senetar oo Biden loo diray)

0

(Hadalsame) 06 Okt 2023 – Koox ka kooban 20 senator oo Dimoquraadi ah ayaa Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ku boorriyey inuu aad uga fikiro kahor inta uusan Sacuudiga la gelin heshiis dhanka ammaanka ah si ay ugu qanciyaan Riyaad inay aqoonsato Israel.

Biden waa inuu sidoo kale ku cadaadiyaa Israel inay u tanaasulaan qaddiyado badan oo ku saabsan Falastiiniyiinta, ayay sharci-dejiyayaashu ku doodayaan.

Aqalka Cad ayaa hadda ka wada xaajoonaya heshiis u dhexeeya Sucuudiga iyo Israa’iil, kaasoo dhigaya in boqortooyadan Sunniga ah iyo Yuhuuddu ay xiriir diblamaasiyadeed samaystaan, taasoo ay ku beddelanayaan tanaasulaadyo badan oo uu Maraykanku samaynayo oo aan weli la isla meel dhigin.

Waxaa ka mid ah tanaasulaadyada la tixgelinayo ama laga fikirayo heshiis amni oo rasmi ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya, oo ay wehliso iibinta hub hor leh oo laga iibinayo Riyaad iyo caawinta barnaamijka Nukliyeerka rayidka ee Sucuudiga.

“Caddayn heer sare ah ayaa loo baahan doonaa si loo hubiyo in heshiiska difaaca ee Sucuudi Carabiya uu waafaqsan yahay danaha Maraykanka,” ayaa ku dhigan warqad ay Senatarradu qoreen, iyaga oo ku tilmaamay Sucuudi Carabiya “maamul kali talis ah oo si joogto ah u wiiqa danaha Maraykanka ee gobolka islamarkaana “leh xadgudubyo qoto dheer oo khuseeysa diiwaanka xuquuqda aadanaha.”

Saxiixayaasha warqadda waxaa ka mid ah senetarrada Chris Van Hollen iyo Chris Murphy, oo ka mid ah Guddiga Xiriirka Caalamiga ah ee Senate-ka, iyo Dick Durbin koo caucus-ka Dimoqraadiga ka mid ah.

Si wada jir ah, 20-ka saxiixayaal ayaa ka kooban shan meelood oo labo meel Guddiga Dimoqraadiga ee Golaha Guurtida ama Aqalka Sare, tiiyoo xaqiijinta taageeradooda ayaa muhiim u noqon doonta haddii Biden uu doonayo inuu meel mariyo heshiis noocan ah kahor inta uusan bilaabmin ololaha xilliga doorashada 2024-ka.

Senatarradan ayaa sidoo kale ku adkaystay in “bixinta hub aad u horumarsan oo la siiyo Sucuudi Carabiya waa in loo sameeyaa si taxadar leh,” si aan loo dhiirrigelin sii hurinta dagaalka Sucuudi Carabiya ee Yemen ama kicinta “tartanka hubeed oo gobolka ah.”

Sidoo kale, waxay ku doodeen in Riyaad laga mamnuuco tayaynta curiyaha uranium-ta wixii ka baxsan isticmaalka nabdoon ee rayidka waana inay saxiixdaa inay ka go’an tahay inay nukliyeerkeeda kormeerto Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Atoomikada.

Dhaxal-sugaha Sucuudiga ee Maxamed Bin Salmaan ayaan meesha ka saarin inuu samaysto hubka Nukliyeerka. Isagoo la hadlayey Fox News bishii hore, wuxuu sheegay in haddii Iran ay samaysato hub nukliyeer ah, “inay tahay inay iyana mid helaan”, waana halka ay ka walaacsan yihiin senetarradani.

Hadalsame Media